Dhul Gariir Caawa Laga Dareemay Magaalo Xuduudeeda Wajaale Ee Somaliland Iyo Ethiopia U Dhexaysa

0
1114

breaking newsWajaale, (HargeisaPress) — Dhulgariir xoogan ayaa caawa ka dhacay abaaro 9:45 daqiiqo ka dhacay magaalo xuduudeddka wajaale, walow aanu geysan wax khasaare ah oo hadda muuqda, waxaanu cabsi weyn ku beerey dadweynaha ku dhaqan magaalada togwaale oo guryaha dibada uga soo wado baxay waxayna istubeen wadooyinka magaalada.

Wariye ku sugan Magaalada Wajaale ayaa HargisaPress.com u sheegay in Abaaro tobankii habeenimo la dareemay Dhul gariirka, iyadoo mudo ilaa 10 Mirir ah la dareemayay.

Wariyuhu ma sheegin Wax khasaare ah “Ilaa tobanadii ayaa la dareemay Dhul gariirka,waxaanu socday ilaa 10 Mirir, iyadoo la moodayay in Iska-rogooyin dhulka wax ku rogayaan. Guryaha qaarkood ayaa ciyaaray(Dhaqdhaqaaq sameeyay) laakiin wax Khasaare ah wali lama Oga” ayuu yidhi Wariye Guled oo Wajaale ku sugan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here