Dhoolatuska taageerayaasha-Kulmiye ee magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco, Ceerigaabo, Gabiley iyo Berbera

0
834

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee ku dhaqan magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco, Ceerigaabo, Gabiley iyo Berbera, ayaa waxaa ay maanta isku soo baxyo waa weyn oo baaxad leh ku soo bandhigeen gudaha magaalooyinkaasi.

Taageerayaasha KULMIYE ee magaalooyinkaas oo ka qaybgalay furitaanka ololaha xisbiga Kulmiye oo maalintiisii u horeysay ay ahayd maanta, ayaa waxaa ay halkaasi ka sameeyeen isu-soo-baxyo mahrajaanno indho-daraandar ah.

Waxaana taageerayaasha xisbiga ee magaalooyinkaasi oo aan farahooda la qiyaasi karin, ay socod ku mareen jidadka, suuqyada iyo xaafadaha magaalooyinkaas, kuwaas oo markii dambey isugu soo biyo-shubtay xarumaha Khayriyooyinka ee gobolladaasi.

Taageerayaasha xisbiga ee magaalooyinkaas kala qayb galay dhoolatuska isku soo baxa ololaha, xubno ka mid ah golaha Wasiirrada xukuumadda Somaliland, maamulka magaalooyinkaas iyo madaxda ololaha xisbiga ee magaalooyinkaa.

Masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga oo taageerayaasha kala hadlay fagaarayaasha magaalooyinkaas, ayaa bogaadiyey taageerayaasha KULMIYE ee gobolada iyo degmooyinka dalka, waxaanay ku adkeeyeen inay codkooda si ka fiirsasho leh u siiyaan xisbiga iyo murrashaxiintiisa.

Magaalada Hargeysa

Magaalada Boorama

Magaalada Burco

Magaalada Ceerigaabo

Magaalada Gabiley

Magaalada Berbera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here