Warbaahinta Jabuuti oo Si Weyn Uga Warantay Socdaalka Madaxweynaha Somaliland

0
2552

Djibouti (Hargeisa Press) – Warbaahinta dowladda Jabuuti, ayaa caawa si weyn uga warrantay socdaalka Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi  Cabdi uu ku tagay dalkaasi ee uu kaga qaybgalayo  xafladda mar kale loogu  caleemo-saarayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Qaybta Ingiriisiga ee Telefishanka Qaranka Jabuuti, ayaa caawa si weyn uga warbixiyay socdaalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku tagay Jabuuti, waxaanay sheegeen in Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed uu si meeqaamkeedu sareeyo madaarka Jabuuti ugu qaabilay Madaxweynaha Somaliland islamarkaana ay kulan ku yeesheen qaybta VIP-da.

Telefishanka Jabuuti waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Aroorta ku biirayo madax tiro badan oo ka socota beesha caalamka oo ka qaybgalaysa caleemo-saarka madaxweynaha Jabuuti oo dhawaan ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay waddankaas. 

Telefishanka, ayaa waxaa uu intaasi ku daray in xidhiidh saaxiibtinimo oo aad u qotodheer uu ka dhexeeyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda, ahna ku simaha wasiirka, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, Wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Saleebaan Yuusuf Cali-koore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here