Antwerp (Hargeisa Press)- Dhalinyarada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Antwerp ee dalkan Belgium ayaa soo dhawawayn balaadhan ugu sameeyay Wasiirka Horumarinta Jamhuuriyada Somaliland Axmed Muumin Seed oo Booqasho gaaban ku soo maray magaalada Antwerpen , halkaas oo uu kasoo kicitimay wadanka Nederland halkaas oo uu Booqasho Rasmiya ku joogay Maalimihii ugu danbeeyay, kulamo muhiima kula qaatay madaxda dalkaasi.
Kulankan oo ay dhalinyarada ku dhaqan magaalada Atnwerpen ee dalkan Balgium ay uga gol lahaayeen in Wasiirkooda ay la kulmaan isla markaana, lays xog waraysto ayaa ku qabsoootay jawi aad u qurux badan, iyadoo wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyada Somaliland uu qudbad dheer oo dhinac yo badan taabanaysa u soo jeediyey dhalinyarada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Antwerp.
Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Axmed Muumin Seed ayaa Qudbadiisa uu u jeediyey dhalinyarada kula dardaarmay sidii ay iskugu duubnaan lahaayeen, islamarkaana ay noqon lahaayen kuwa Safiirro u noqda wadankooda, mudada ay qurbaha ku maqan yihiina ay ku dadaalaan inay wadankooda wax u soo bartaan oo ay xoogga saaraan dhinaca Farsamada oo uu sheegay inay wadanka aad uga caawiyaan maadaama dadkeena farsamadu ku yar tahay.
La taliyaha wasiirka Beeraha oo isna wasiirka socdaalkiisa ku wehelinayey ayaa isna goobta qudbad dardaaran iyo guubaabo ah usoo jeediyey dhlinyarada , waxaana dhalinyaradu wasiirka ku waydiisay su aallo kala duwan oo uu uga jawaabay si qurux badan.
Kulankan maanta ka qabsoomay magaalada Antwerp ee dalkan Belgium ayaa kusoo dhamaaday jawi farxadeed waxaanay wasiirka dhalinyaradu ku tilmaameen wasiir kaalinta hore kaga jira wasaaradaha Somaliland, isagoo ay sheegeen inuu taasi ku mutaystay wax qabadka ka hana qaaday wasaarada Horumarinta Beeraha oo hada maraysa heer aad u saraysa, waxaanay wasiirka kula dardaarmeen dhalinayaradu inuu hawsha intaana kasii badiyo .
Hargeisa Press Desk/HargeisaOffice.