Dhakhaatiir Ka Qalin Jabisay Jaamacada Hageysa Oo Habeenkii Xalay Xaflad Balaadhan Loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
1208

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dufcaddii shanaad ee kuuliyadda caafimaadka Jaamacadda Hargeysa ayaa xalay ka qalinjabisay, kuwaas oo munaasibad loogu hambalyeynayo loogu qabtay hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibaddan loogu dabaaldegayey dhakhaatiirtan qalinjabisay oo ka kooban 22 dhakhtar ayaa waxa ka soo qaybgallay gudoomiyaha jaamacadda, gudoomiyaha guddidda jaamacadda, macalimiinta, ardayda iyo marti sharaf kale.

Xafladan loo qabtay dhakhaatiirtan cusub ee soo qalinjabisay ayaa waxa soo qabanqaabiyey xarunta caafimaadka ee Hayaat Diagnostic Centre, kaas oo maalgalisay munaasibadan loogu dabaaldegayey dhakhaatiirtan qalinjabisay.

Gudoomiyaha jaamacadda Hargeysa Prof:Cabdi Gaas, ayaa hambalyeeyey ardaydan ka qalinjabisay jaamacadda, waxaanu u mahadnaqay macalimintii ka timid jaamacadda Kings College ee imtixaanka ka qaadda Ardayda caafimaadka ka qalinjabisa sanad walba.

“Aad baan ugu faraxsanahay in ay Jaamacad Hargeysa soo bandhigto 22 arday oo lix ka mid ahi hablo yihiiin, halka 16 rag yihiin, caafimaadkuna waa meelaha loogu baahan yahay in wax laga qabto, waxaana leeyahay waad mahadsan tihiin soo dhowaadda”ayuu yidhi Gaas guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.

Hormuudka kuuliyadda caafimaadka Dr. Diiriye Ismaaciil, ayaa sheegay inay muddo todobo sanno ah dhiganayey kuuliyada caafimaadka oo baahi weyn loo qabo inuu dalku dhakhaatiir yeesho, waxaanu yidhi “ waxay maanta marayaan dhakhaatiirta ka soo baxday jaamacadda Hargeysa 98 dhakhtar, waxaana xukuumadda u sheegayaa in dhakhaatirtaasi la shaqaalaysiiyo oo la hawlgaliyo, inkastoo ay intooda badan ka shaqeeyaan Cisbitaaladda gaarka loo leeyahay oo ay gaar u shaqaystaan”

“Aniga farxad ayey ii tahay inaan arko dhalinyaradii oo qalinjabisay waxaana isku soo marnay cisbitaalka guud, cisbitaalka iyo jaamacadda wax aka dhexeeya xidhiidh wada shaqeyn oo sanadka u dambeeya waa halka ay wax ku bartaan”ayuu yidhi Agaasimaha cisbitaalka Guud ee Hargeysa Axmed Cumar Askar.

Waxaanu intaas ku daray “waxaana afar iyo toban dhakhtar oo kuwii jaamacada ka soo baxay ka shaqeeyaan cisbitaalka, halka afar iyo afartan dhakhtar oo jaamacadaha ka soo qalinjabiyeyna ka hawlgalaan.”

Dr. Xamse Maxamuud Jibriil oo ku hadlayey afka cisbitaalka Hayaat ayaa sheegay inay mar walba dhakhaatiirta ka caaawiyaan shaqooyinkooda, isla markaana wada shaqayn fiicani ka dhexeyso, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “waxaan aad ugu faraxsanahay dhakhaatiirta cusub ee soo qalinjabiyey oo anigu mar aan fogeyn ka mid ahaa dhakhaatiirtii dhowaanta ka qalinjabiyey oo halkaa aad fadhidaan fadhiyey, waxa kale oo idinka codsanayaa inaad u duceysaan dhakhaatiir badan oo ka mid ahaa aasaaskii jaamcada oo geeriyooday”

“Haddii aanu nahay XAYAAT waxaanu si dhow ula shaqaqeeyo arrimaha caafimaadka iyo wax kasta oo aqoon korodhsiga, markii ugu horeyey maaha ee aanu kulan sidan oo kale samaynayo ee waa mid mar kasta aanu la kulmi doono dhakhaatiirta si fiican waan usoo dhoweynaynaa”ayuu yidhi Jibriil.

Prof. John Rise oo ka mid ah macaliminta ajanabiga ah ee imtixaanka ka qaadda ardayda dhakhaatiirta soo baxda oo ku hadlayey afka Kings college ee kala saarta ardayda caafimaadka barata ayaa u hambalyeeyey ardaydan qalinjabisay, waxaanu sheegay inay dadaal badan sameeyeen, isla markaana muddo dheer dhabarka usoo rideen sidii ay heerkan ay maanta joogaan usoo gaadhi lahaayeen.

Axmed Xaashi gudoomiyaha xirfadleyda caafimaad ee Somaliland, ayaa isna sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay arrimaha caafimaadka ee isku walaaqan wax uga qaban lahaayeen.

Inj. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna ka sheekeeyey intii uu wasiirka maaliyada ahaa xaga caafimaadka waxa uu ka qabtay iyo sida uu ugu hawlay inay dadku helaan dhakhtar ay kaga raystaan kuwo dibadda loogu baxo ee kharashka badan kaga baxo, waxaanu sheegay inuu soo iibiyey qalab qaali ah oo lagaga raysanayo dhakhaatiir dibeed in loo tago kuwaas oo ay ka mid yihiin misiinka Kelyaha.

Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyihii hore ee jaamacadda Hargeysa Dr:Xuseen Bulxan, Dr:Cabdiraxmaan Nuux oo ka mid ah macalimiinta, Dr:Faadumo Xaashi Iimaan, Yuusuf Axmed Maxamed guddidii qabanqaabada ee xafladan, Sidoo kale, Jamaal Jaamac Cismaan oo ku hadlayey afka waalidka, Abiib Axmed Agaasimaha tacliinta sare, Dr: Ciise Cabdi Jaamac Agaasimaha shaqaalaha iyo tobabarka wasaaradda Caafimaadka iyo wasiirka Qorsheynta Dr:Sacad Cali Shire, kuwaas oo dhamaantooda u hambalyeeyey dhakhaatiirta cusub ee soo baxday kuna guubaabiyey inay dadkooda u shaqeeyaan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY