“Meelina Jano Noqon Kari Mayso Meelna Meel Lagu Ooman Yahay Noqon Kari Mayso “Wasiirka Warfaafinta Somaliland

0
1261

Cukuse1Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyi galinta Somaliland Md:Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa ka hadlay khilaaf maalmihii udanbaysay ka taagnaa Mashruuca Biyo balaadhinta Ceelka Xumba wayne ee Magaalada Hargeysa,kaasi oo qaar kamida shacbiga reer Somaliland ay tuhuno xooga ka qabeen in Mashruuca Biyo Balaadhin oo loogu talagalay Saddex kamida Xaafadaha Hargeysa laga leexin doono qaabkii markii hore loogu talagalay ee soo galinta Biyaha Magaalada in lagu soo horaysiiyo Xaafadaha Haraadan.Waxaana uu tibaaxay in aanay ka Xukuumad ahaan usinaan donin Xaafadaha Biyaha Haysta iyo kuwa kale ee Haraadan.

Md:Cabdilaahi Daahi Cusuke aaa hadalkan ka sheegay Shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa,waxaana uu sheegay in ay ka Xukuumad ahaan ay dadaal ka sameeyeen dhinaca biyaha labadii sano ee ugu danbeeyey isaga oo tibaaxay in ay Xukuumada KULMIYE xilka la wareegtay iyada oo dalka ay ka qodan yihiin 70-Ceel oo qudha balse ay Muddo Laba sano gudaheeda ah ay ku qodeen 48-Ceel.

“Waxaa uu ilaahay ina waafajiyey in uu safar ugu baxo Imaaraadka Carabta iyo Kuwayt ujeedada Safarkaasina ay gabi ahaanba ahayd in uu dalkan iyo dadkan u biyo u baadi doono meeshii uu uga soo heli karyana uu tago gaar ahaana dalalkaa Caalamka Carabta ee khaliijka ,waa la soo helay badh intii la qorsheeyey waxna waa ay dhiman yihiinoo wali waa la baadi doonaa ,Waad ogtihiin Xukuumadan talada dalka haysa markii ay talada dalka la qabatay waxaa dalka ka qodnaa oo qudha 70-Ceel,Safarkaa Madaxweynaha iyo intii ka danbaysayna waxaa la qoday 48-Ceel,Markaa 20-Sanadood waxaa aynu ku qodanay 70-Ceel intaa maanta labadaa Sanadoodna waxaa aynu ku qodanay 48-Ceel markaa qiyaastaas waad garan kartaa inta baahi iyo Culays ay yarayn karto”Ayuu yidhi

Wasiirka Warfaafinta Iy Wacyi galinta Somaliland Md:Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaasi uu raaciyey in aanay biyo yaraantii ka jirtay Magaalada Hargeysa ahayn mid cid lagu xumaynaayey ama sida oo kale cid lagu wanaajinaayey,balse ay ahayd arrin farsamo,waxaana uu tibaaxay in Magaalada Hargeysa dhawaan si siman looga wada cabi doono.
“Inkasta oo hadaba ay baahidii wali taalo inkasta oo ay meel walba ka taagan tahay magaalooyinka waaweyna ay qaarkod ka jirto maanta Mushkilada taagan ee Bishan ramadaan inagaga soo hagaagtay ee hadalkeedu uu taagan yahay ee Shaydaankii la xidh Xidhay inoo soo raacay waa biyaha Hargeysa iyo Balaadhin tooda,gaar ahaana qaybtii bariga Magaalada, Hargeysa Biyaha waa laysku tuhmaa,waxaa la yidhaahdaa meel baa cabta meelna ma cabto warkaasi waxba kama jiraan Magaaladu waa ay oomantahay inteeda badanin biyo ma hesho Awooda biyaha aynu hayno ee Fidineed ee gaadhsiinteeda ayaa Xadidan maaha arrin farsamo,maaha arrin ku tala gala ama Cidi go’aan satay ama cid kale lagu xumaynaayo oo cid lagu wanaajinaayo taa waa aynu soo manahay ee yaanu shaydaanku inoo soo dhexraacin,waa isku mid nafteenu magaalada aynu joogno gabigeenuba waxaa aynu joognaa 20-Km oo isku wareega meelina jano noqon kari mayso meelna meel lagu ooman yahay noqon kari mayso waaba 20-Km oo dhanwalba ah”

Md:Cabdilaahi Cukuse waxaa uu sida oo kale uu ugu baaqay dhamaanba dadka dagan Magaalada Hargeysi in aanay isku tuhmin,xukuumadana ay kala shaqeeyaan sidii loo dabooli lahaa baahidaasi aadka u badan ee dhinaca biyaha ah waxaana uu yidhi:

“Magaaladeenu Markaa waxaa ay ila tahay in aynaan isku tuhmin ee waa ay jirtaa baahiduye aynu dawlada ku gacan qabano sida baahidaasi loo daboolayo ee wax looga qabanaayo dhinaca bariga ama galbeedka Magaalada,Waqoyigeeda,iyo Koonfur galbeed Magaalada iyo Magaalada Koonfurteeda waxaa  la filayaa in Biyihii EU-da oo imika haatan gacan saarideedii maraya oo baraago Cusub oo laga qodi doono Isha Boorame iyo Xaafadaasi Calaamadaha ayaa fidintaasi qayb wayn ka qaadan doona waxaana la filayaai n biyaha shiinu ay 90% korodhkoda ay wax ku kordhin doonaan,waxaa yimi biyaha Xumba wayne ee maanta uu hadalku uu ka taagan yahay oo maanta uu shaydaanu ka faa’idaystay ninkii uu biyahaa Xumba wayne uu Calooshiisa shaydaanku si xun ugaliyayoow ee shaydaanka iska naar waa ramadaane Arrintu maaha arrin qabyaaladeed maaha qabiil biyo gacanta cid ugu haya iyo qabiil biyo loo diidayo maaha arrintu taas,dawlada ayaa gacanta ku haysa dadkeeduna waa uu usima yahay qofkasta oo muwaadina oo miyi jooga oo magaalo jooga waxanu jecel nahay in uu halkiisa uu biyo ku helo”

Ugu danbayntiina Wasiir Cabdilaahi Daahir Cuskuse waxaa hadal qoraal ka hor akhriyey warbaahinta gudi uu sheegay in lagu kordhiyey tiradii gudidii hore ee uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay fududaynta iyo ka shaqaynta Mashruuca Biyo balaadhinta ee Magaalada Hargeysa iyo sida oo kale qodobo ka soo baxay shir ay si wada jira u yeesheen gudidaasi.

  1.     Waxaa la kordhiyey tiradii Gudidii Biyaha hore gacanta ugu haysay waxaa lagu daray oo Xubnaha Cusub kamida Cukuse oo gudida afhayeen u noqon doona,Wasiirka Cadaalada,Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga.Wasiir ku xigeenka Amniga,Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud iyo Xildhibaan nacnac
  2.     in kuwa biyuhu ku dhamaanayaan iyo kuwa kaleba ay cabaan labadaba sidii loo gaadhsiin lahaa ay gudidani ka shaqayso
  3.     in hawshii hakatay ay sideedii u socoto

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here