Deg Deg:Gabadh Yar Oo Meyd Keedii Laga Helay Xaafada Actober Ee Magaalada Burco

0
796

Deg Deg:Gabadh Yar Oo Meyd Keedii Laga Helay Xaafada Actober Ee Magaalada Burco

Burco, (HargeisaPress) —Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Ayaa Waxaa Maanta Xaafad Ka Midaha Xaaafadaha Ay Ka Koobantahay Magaalada Burco Waxaa Laga Helay Gabadh Yar Oo Mayd Ah Gabadhan Yar Ayaa Waxaa Lagu Magacaabi Jiray Sagal Waxaana Lagu Dilay Xaafada Actober Ee Magaalada Burco

 

Inantan Yar Ayaa Waxa Dadeedu Ahayd Lix Jir Waxaana Maydkeedii La Dhigay Cusbataalka Magaalada Burco Qoyska Ay Ka Soo Jeedo Gabadhan Yar Ayaa Sheegay In Ilaayo Haatan La Garnayn Cida Dishay Ilmahan Yar Isla Markaana Ciidamada Amaanku Ay Wadaan Dadaalo Lagu Soo Qabanaayo Cida Dilka U Geysatay Gabadhan Yar

 

 

Beryihii U Danbeeyay Ayaa Waxaa Magaalada Burco Ku Soo Badanaayay Dilalka Loo Geysanaayo Dadka Shacabka Ah Waxaana Todobaadkii Hore Sidoo Kale Inan Yar Oo 10 Jir Ah Ayaa Lagu Dilay Deegaanka Taalo Buur Oo Hoos Timaada Gobolka Togdheer Kaas Oo Ay Ciidamadu Soo Qabteen Gacan Ku Dhiig Lihii Dilay Wiilkaas Yar

 

Wixii waree kasoo kordha kala soco shabakada caalamiga ah ee hageisapress.com

 

Sakariye Cabdiraxmaan Ibraahin HargeisaPress — Burco office

sekeriye80@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here