DEG DEG: Dowladda Sacuudiga oo Hada Shaacisay Maalinta La Ciidayo

0
2763

Riyadh (Hargeisa Press)- Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa waxaa ay shaacisay maalinta la Ciiddayo, kadib markii dadaal dheer caawa la waayey bisha Shawaal.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta Sacuudiga iyo dalal kale oo Islaam ah ayaa ku dhawaaqay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Dalka Sacuudiga, dadaal dheer oo loo galay in bisha Shawaal la arko caawa ayaan la guuleysan, waxaana mas’uuliyiintu sheegeen in 30-ka Ramadan la dhameystirayo maalinta Sabtida ah.

Sidoo kale, xarumaha Saadaasha Hawada ee dalalka Indonesia iyo Malaysia ayaa si rasmi ah u sheegay inaanay helin bisha taas oo macnaheedu yahay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Warbixino laga helay Turkiga ayaa sheegaya inaan bisha laga arag islamarkaana lagu dhowaaqay in maalinta koowaad ee Ciidda ay tahay Axadda, 24-ka May.

Guddiga Aragga Bisha ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dalka Qatar ayaa Iyana sheegay in Axadda ay tahay maalinta koowaad ee Ciidda, kadib markii caawa la waayey bisha.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here