“Dawladda waxaan ku heshiinay in shacabka Soomaaliyeedna loo tudho”… C/rashiid Janan

0
601

Beled-xaawo (HP): Wasiirkii amniga gudaha ee maamul goboleed Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo watay ciidamo fara badan iyo gaadiid ciidan ayaa maanta ka degay magaaladda Beled-xaawo ee gobolka Geddo.

Kadib markii sida la sheegay uu heshiis la qaatay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu muddo ka dhexeeyay khilaaf gacan ka hadal iyo dagaal gaadhay.

Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiirro iyo xubno kale.

C/rashiid Janan, oo ahaa wasiirka amniga ee maamul goboleedka Jubbaland ayay shalay ay soo baxeen wararka sheegaya inuu heshiis la gaadhay dawladda Soomaaliya.

Waxaana isla shalay xilkaasi ka qaaday madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe).

Hase yeeshee C/rashiid Janan waxa uu sheegay inuu qaatay go’aanka ah inuu dawladda federaalka ah heshiis la gaadho, lagana wadda shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa sharaftii iyo qarannimadii ummada Soomaaliyeed.

“Dawladda Soomaaliya waxaan ku heshiinay in khilaafkii jiray la soo  af-jaro, shacabka Soomaaliyeedna loo tudho. Lagana wadda shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa sharaftii iyo qarannimadda ummada Soomaaliyeed” ayuu yidhi C/rashiid Janan, oo u waramay BBC.

Waxa kaloo uu sheegay in muddo sanad ah ay dawladda federaalka ah u socdeen wadahadalo ah sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeyay.

Waxaanu yidhi, “Muddo sanad ka badan, waxay dawladda dhexe ee Soomaaliya u taagnayd in arrintan la xaliyo. Waxaana suurto gashay in ay maanta dhacdo”.

Kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya inuu heshiis la gaadhay dawladda federaalka ah ayaa shalay waxaa C/rashiid Janan, xilkii wasiirka amniga ee Jubbaland ka qaaday madaxweynaha maamulkaasi.

Janan, oo la waydiiyay sida uu arrintaasi u arko waxa uu ku jawaabay, “Waxaasi waa ciyi waa ka baryay weeye. Warqad uu qoray Axmed Madoobe, sax ilama aha hadda. Wax dhibaato ah oo fara badan uma arko imika.

Jubbaland loo wada dhan yahay, oo la isku raacsan yahay, oo loo wada siman yahay cadaaladeedda iyo xuquuqdeedda, hore uma dhicin. Laakiin, imika ayaan ka shaqaynaynaa, in ay Jubbaland noqoto mid la isku wada raacsan yahay” ayuu yidhi Janan.

Waxaanu intaas raaciyay in ciidamadiisii ay ka mid noqonayaan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya, “Haa. Ciidamadaydii iyo gaadiidkii, ciidamo qaran weeye. Dawladdda Soomaaliyeed ayaanan ku wareejinayaa. Qarannimadda Soomaaliyeed ayaanan ka wada shaqaynaynaa”.

Geesta kale, waxaa muddo dheer soo taagnaa khilaaf u dhexeeyay dawlad goboleedka Jubbaland iyo dawladda federaalka Soomaaliya gaar ahaana C/rashiid Janan, oo ahaa wasiirka amniga ee maamulkaasi.

Waxaana jirtay in dawladda Soomaaliya ay C/rashiid Janan, ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho bishii August ee sannadkii 2019-kii.  Iyada oo ku eedaysay inuu galay danbiyo culus oo ay ku jiraan kuwo la xidhiidha xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale, su’aal laga waydiiyay mar haddii C/rashiid Janan, laga qaaday xilkii uu ka hayay Jubbaland, isla markaana uu isku soo dhiibay dawladda federaalka Soomaaliya, muxuu n oqonayaa xilka iyo hawsha uu qabanayo.

Waxa uu sheegay inuu mar kasta u taagan yahay sidii uu uga shaqayn lahaa danaha iyo horumarka guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed gaar ahaana Jubbaland.

“Anigu mar kasta shaqsi reer Jubbaland ah ayaan ahay. Taasina weligay igama suulayso, kamana tegayo. Masuuliyadda in aan xil hayo iyo in aanan haynin, wax kale weeye. Laakiin, shakhsiyan inta aan noolahay, waxaan ahay shakhsi reer Jubbaland ah, oo Soomaali ah.

Qarannimadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo mida gaar ahaaneed ee Reer Jubbaland  maslaxadoodda iyo wanaagoodda in aan ka shaqeeyana u taagan mar kastaba” ayuu yidhi C/rashiid Janan.

Dhinaca kale, dawladda Soomaaliya ayaa C/rashiid Janan, ku qabatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho bishii August ee sannadkii 2019-kii.  Iyada oo ku eedaysay inuu galay danbiyo culus oo ay ku jiraan kuwo la xidhiidha xuquuqda aadanaha.

Sidoo kale bishii Jenuary ee sannadkii hore ayaa Cabdirashiid Janan, uu ka baxsaday goobtii lagu hayay ee magaaladda Muqdisho, waxaanu dhuumasho ku tegay magaaladda Kismaayo.

Isla bishii March ee sannadkii 2020-ka ilaa bishii Jenuary  ee sannadkan 2021-ka laba dagaal ayaa magaalada Beled Xaawo ku dhexmaray ciidamadda Cabdirashiid Janan ee mamaulka Jubbaland iyo kuwa dawladda federaalka.

DAAWO: Soo Dhawayntii C/rashiid Janan Ee Beled-xaawo:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here