Dowladda UK oo Golaha Guurtidda Somaliland Kala Hadashay Xeerka Doorashooyinka

0
787

Hargeysa (HP): Masuuliyiin ka socday xafiiska ay dowladda Ingiriisku ku leedahay Hargeysa ayaa saaka kulan la qaatay Shir-gudoonka Golaha Guurtida Somaliland.

Waxa kaloo kulankaasi goob joog ka ahaa xubno ka mid ah mudanayaasha golaha Guurtida iyo la taliyaha dhinaca siyaadada Arrimaha Debida ee golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Guurtidda JSL ee Hargaysa, oo ay warbaahintu dibeda ka joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa war fidiyeenka uga warbixiyay la taliyaha siyaasada arrimaha dibeda ee golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid Ibraahim.

Waxaanay sheegtay Faadumo Siciid, in shir-guddoonka Guurtidda Somaliland iyo xubnaha kale ayaa masuuliyiintani ka socday xafiiska UK ee Somaliland waxay siiyeen xog iyo warbixino arrimaha doorashooyinka iyo xeerarka ku saabsan.

Waxaanay si gaara uga xog-waraysteen shir-gudoonka Guurtida halka ay marinyaan xeerkii isa-saarka doorashooyinka ee horyaala golaha Guurtida.

Waxa kaloo ay sheegtay Faadumo Siciid Ibraahim, in kulan lagu soo qaaday sidii xafiiska dawladda Ingiriisku uga la shaqayn lahaa golaha Guurtida dhinaca siyaasada arrimaha Debada.

Geesta kale kulankan ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen sidii wada shaqayn joogta ah looga yeelan lahaa danaha siyaasadeed iyo xidhiidhka golaha Guurtida iyo xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Dhinaca kale waxaa kulankan shir-guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Guurtidda Somaliland ahna ku simaha guddoomiyaha Siciid Jaamac Cali.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here