Dawladda Turkiga oo Xukuumadda Somaliland Wareejisay Raashin Mucaawimo ah

0
1100

Berbera, (HargeisaPress) —Dawladda Turkiga ayaa Somalliland ugu deeqday deeq raashina oo dhan shan kun oo tan, oo ay ugu tallo galeen in la siiyo dadka jilicdsan iyo dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

 

Markabka deeqdani siday oo ku soo xidhay dekadda Barbara ayaa waxa deeqdaasi masuuliyiintii Turkiga ahayd ee siday ka gudoomey , xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland, maareeyaha dekacdda Berbera, iyo masuuliyin kale.

 

Maareeyaha dekada Barbara Axmed Yuusuf Dirir oo ka hadlay xaflad kooban oo deeqdan lagula wareegayay oo lagu qabtay marsadda Berbera,  ayaa uga mahad-naqay  Turkiga deeqdan raashinka ah, waxaanu tilmaamay inay si niyadsami ah uga guddoomayaan kaalmadan ay ugu tallo galee walaalahooda Somaliland.

Markab-Raashina.JPG3_

Wasiirku xigeenku xigeenka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Keyse), ayaa sheegay in mucaawimadani ka dambeysay baaqi xukuumada Somaliland ay u dirtay dalka Turkiga “Xafladan aanu maanta (shalay)  kaga guddoomayno dawladda Turkiga deeq raashinna oo dhan shan kun oo tan, uguna deeqeen Somaliland, dadkii ay abaaruhu waxyeeleeyeen dhab ahaantii deeqdani waxay ka danbeysay ka dib markii guddida abaaruha iyo Madaxweynaha Somaliland ay baaq  u direen, dalka Turkiga kana soo jawaabeen dawladaasi Turkiga ee aanu walaalaha nahay taasi oo aanu halkan aad uga mahad-naqayno farxad weyna ay noo tahay inaanuka gudoonno,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenku.

 

“Waxay deeqdan iskugu jirtaa Bariis iyo  Sokor.  waxa kale oo ay hore noogu deeqeen deeq dhan shan kun oo tan taasina waxaa ay ka dhigeysaa in ay toban kun oo tan ay noogu deeqeen.” Waxa isaguna madashaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil Maxamed Axmed Cismaan Xaaji Indha-balac.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here