Muqdisho (HargeisaPress): Dawladda Turkey ayaa si weyn u soo dhawaysay kulankii 12-kii bishii February ee sanadkan madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Kaasoo ay ku tilmaantay horumar muhiim ah oo laga gaadhay wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya iyo raali gelintii uu madaxweyne Farmaajo ka bixiyay in shacabka Somaliland ay dhibaato u gaysatay dawladdii Siyaad Barre.
Raaligelintaasi oo dawladda Turkey sheegtay in ay u aragto natiijo wanaagsan oo ka dhalatay kulankii labadda madaxweyne oo ahaa mid lagama maar-maan ah.
Sidaasina waxaa sheegay danjiraha dawladda Turkey u fadhiya magaaladda Muqdisho Mehmet Yilmaz, oo waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanayay ay la yeelatay idaacadda VOA.
Ambassador Mehmet, mar wax laga waydiiyay arrinta wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in wakhti xaadirkan loo baahan yahay in la isku duba-rido oo la dhamaystiro waxyaabaha weli qabyadda ah.
Taasina ay tahay arrin u taalla labadda dhinac ee wadahadalku u dhexeeyo. Hase yeeshee doorka Turkigu uu yahay dhex-dhexaadin oo keliya.
Maadaama ay jirtay in wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya ay badhtamihii bishii June ee sanadkii 2013-kii ay dalka Trukiga ka dhaceen.
Waxaanu yidhi, “Dhawaan waxaa dhacay horumar aad muhiim u ah, oo ku saabsan mawduucan. Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayaa ku kulmay Itoobiya. Raali gelin baa dhacday.
Tani waxay ahayd horumar taagan, oo aad u wanaagsan. Turkigu wuxuu horumarkaasi u arkaa mid aad u muhiim ah. Gaar ahaana raali gelintii madaxweynaha Soomaaliya iyo weliba aqbalaadiisii arrintan, waxaan u aragnaa in ay tahay natiijo wanaagsan, oo ka soo baxday kulankaasi. Tani-na waxay ahayd mid lagama maar-maan ah”.
“Keliya waxay u baahan tahay in la isku duba-rido, oo la dhamaystiro. Maxaa yeelay? Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu leeyahay dhinacyo kala duwan. Sida siyaasadda iyo warbaahinta oo kale.
Sidoo kale, waxaa jiri kara heerar aqoon yahano. Laakiin, waxaan rabaa in aan mar kale ku celiyo in doorkayagu yahay dhex-dhexaadin. Sidaas darteed, waxaan mar walba leenahay dadka hawshan qaban doona, hagi doona, ee isku duba-ridayaa, waa dhinacyadda uu wadahadalku u dhexeeyo.
Anagu keliya waxaan joognaa booska dhex-dhexaadinta ah”ayuu yidhi danjiraha Turkiga u jooga Muqdisho.
Ambassador Mehmet, waxa kaloo uu sheegay in dawladoodu ay u aragto in muhskiladaha Afrika ka jira ay xalintoodu khusayso dawladaha Afrika, sidaas darteedna iyagoo taas ka duulaya ama tixgelinaya in Somaliland iyo Soomaaliya looga baahan yahay in ay iyagu hawsha hagaan.
Inkastoo uu xusay in ay jiraan tallaabooyin ay qaadi karaan iyo soo jeedimo arrintaas la xidhiidha. “Waxaanu u aragnaa arrintani, aragtida ah mushkiladaha Afrika, xalkeedda waxaa leh Afrika.
Aad baanan taa u danaynaa, oo aan u soo dhawaynaynaa. Anagoo taas ka duulayna, ayaan dhinacyadda ka rabnaa in ay anaga na hagaan. Dabcan, anagu tallooyin iyo soo jeedin ba waanu ku lahaan karnaa.
Waxaan rabaa in aan intaas ku daro, in iyadoo la eegayo horumarrada wadahadaladan, ayaa safiirkii aniga iga horeeyay Olgen Biker, inta uu yimid, uu mar kale la kulmay dhinacyadda.
Anagoo eegayna horumarka ka soo baxay kulamadaas, ayaa waxaan tixgelinaynaa in aan qiimayno jawaabta naga soo gaadhay dhinacyadda. Waxaanan qaadi doonaa tallaabooyin kale oo arrintan ku aadan”.
Geesta kale dawladda Turkey ayaa ah tan taageerrada ugu balaadhan oo dhinacyo kala duwan leh siisa dawladda federaalka Soomaaliya, sida dhinacyadda tababarrada iyo dhismaha ciidamadda, mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha gar-gaarka bani’aadan-nimadda.
Hase yeeshee waxaa marar badan dhacday in ay jireen cabashooyin iyo eedaymo ay dawladda Turkiga u jeediyeen qaar ka mida maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo xataa jamhuuriyadda Somaliland.
Dhaliilahaasi ayaa la xidhiidhay in Turkigu mashaariicda ay Soomaaliya ka fuliyaan iyo caawimooyinkaba ay xoogoodda ka hirgeliyaan magaaladda Muqdisho, isla markaana ay ka qatan yihiin maamul goboleedyadda iyo dalka intiisa kale-ba.
Danjire Mehmet, oo la waydiiyay waxa uu kaga jawaabayo eedaymahaasi waxa uu yidhi, “Eedayntaasi waanu maqalnaa. Marar bada-na waa na loo sheegay. Waxaan odhan karaa, marna waa sax, marna waa khalad. Dhinaca saxda ah waa tee? Marka aad eegtaan hawlaha samo-falka ah ee aanu ka qabanayno Soomaaliya, xoogoodda waxaanu ka fulinaa muqdisho. Xaqiiqdii waxaa jira sababo macquul ah. Waayo? Muqdisho waa caasimadii, waana dabcan halka dhismaha dawladu uu ka socdo.
Sidoo kale waa halka ay ku nool yihiin dadka ugu badan Soomaaliya. Markii aan bilaabaynay hawl-galadeena bini’aadan-nimo, Muqdisho waxay ahayd halka ugu baahida badan Soomaalida. Nasiib darro ma heli karno fursad aanu gobol walba oo Soomaaliya ah uga furi karno cusbitaalka Racyp Dayib Ordogan, oo kale. Laakiin, marka aad Muqdisho ka furto dadka ku nool goboladda kale si fudud ayay u iman karaan, ugana faa’iidaysan karaan adeegyadda uu bixiyo”.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Markaa caasimadu waa miisaankii wax isku dheeli tirayay. Haddii ay cagaheedda ku istaagto, wadanka oo dhan ayaa cagihiisa ku istaagaya. Sidaas darteed, marka aan dhankaas ka eegno, eedaha nalo soo jeediyay waa run. Laakiin, sababaha aan soo sheegay dartood kuma raacsanin eedaha na loo soo jeediyay dhamaantood.
Aragtidda sheegaysa in aanaan goboladda kale waxba ka qabanin, ma aha mid sax ah. Hawlaha samo-falka ee Turkiga Puntland iyo weliba goboladda kaleba waa la fuliyay. Ha yaraato, ha badnaato, meel walba gar-gaarka waan gaadhsiinay. Waxaana ugu danbeeyay musiibadii fatahaadda webiga ee ka dhacday Beledweyne.
Dalalkii markii u horaysay u Orday arrintaas ayuu dalkayagu ka mid ahaa. Aniga ayaaba booqday halkaas”.
Dhinaca kale safiirka Turkiga ee Muqdisho oo hadalka sii watay ayaa sheegay in xataa jamhuuriyadda Somaliland oo iyada lafteedu hore eedo ugu jeedisay dawladiisa ay hadana deegaamo dhulkeedda ka tirsan ka fulinayaan mashaariic kala duwan oo ku kacaya malaayiin dollar.
Waxaanu yidhi, “Somaliland xataa waxaa nooga yimid eedo. Laakiin, waxaa jira hawlo aanu ka fulinay. Waxaa intaas dheer in hay’adda TIKA ay hawlo kala duwan ka fulisay gobollo badan. Sidoo kale hay’adaheena aan dawliga ahayn ee NGOs ayaa hawlo samo-falis ah, oo Ceelal qodis ah ka hirgeliyay gobolo dhawr ah.
Wakhti xaadirkan gobolka Sool waxaanu ka fulinaynaa mashruuc aanu ku qodayno saddex Ceel-biyood. Waxaa heer gebogebo ah maraya haatan, tartanka qandaraasyadda shirkadaha rabba in ay qodaan ceelashasi.
Dabcan, gobolkan waxaa ka jira dhibaatooyin biyo la’aan ah oo aad u daran. Dhibaatadaasina waxay horseedaa khilaaf gobolka dhexdiisa ah. Mashruucaasi lacagta ku kacaysaa waxay u dhaxaysaa lix boqol ilaa 7 boqol oo dollar. Sidaas darteed, anagu aslanba gobol walba waxaanu gaadhsiinaa kaalmo”.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.