Tababar Ku Saabsan Wacyigelinta Corona Virus Oo Hargaysa Ka Furmay

0
709

Hargaysa (HP): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa tababar u furay 16 xubnood oo kal-kaaliyeyaal caafimaad ah oo si mutadacnimo ah uga shaqayn doona wacyigelinta caabuqa Corona Virus.

Tababarkaasi oo maanta ka furmay magaaladda Hargaysa waxaa si wada jir ah u wada fulinaya wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo hay’adda wadaniga ah ee HAVAYOCO oo kaashanaysa hay’adda caalamiga ah ee Hello Trust.

Xubnahan kal-kaaliyeyaasha ah ayaa maalmaha soo socda ka hawl geli doona goobo ka mida magaaladda Hargaysa si bulshadda looga wacyigeliyo khatarta xanuunka Corona Virus.

Mahdi Cismaan Buuri, oo fuirtaanka tababarkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in u jeedadda laga leeyahay marka tababar qof la siinayo ay tahay sidii uu u ilaalin lahaa naftiisa iyo qalabka uu  ku shaqaynayo.

Waxaanu sheegay in la adeegsanayo tallaabooyinka lagaga gaashaamanayo fiditaanka xanuunkaasi, isla markaana bulshadda looga baahan yahay in ay u hogaansamaan fariimaha wacyigelinta ah ee wasaaradda caafimaadka.

Waxaanu yidhi, “Tababarkan waxaa la idiin siinayaa sidii aynu uga hor tegi lahayn xanuunkan aafadda ah ee Corona Virus.

Corona Virus, waa wax aanad arkaynin. Markaa waxaynu adeegsanaynaa Buufin, Nadiifin, Xaadhis, kala fogaansho iyo dhamaanba wacyigelimaha ka soo baxa wasaaradda caafimaadka”.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka ayaa tilmaamay in guud ahaanba dawladda iyo hay’adaha qaranku ay heegan ugu jiraan sidii bulshadda looga bad-baadin lahaa caabuqa Covid-19 ee dunidda aafeeyay.

“HAVAYOCO, waxay diyaarinaysaa dhalinyarro buufisa oo ka qayb qaata. Wasaaradu-na heegan bay ku jirtaa, dawladdu heegan bay ku jirtaa.

Waxa heegankaa loo galay-na, waa daryeelka ummadeena aynu masuulka ka nahay”ayuu yidhi Mahdi Cismaan Buuri.

Geesta kale C/laahi Maxamuud Xasan, agaasimaha hay’adda  waddaniga ah ee HAVAYOCO oo faahfaahin ka bixiyay u jeedadda tababarkaasi ayaa sheegay in 16-kaa xubnood oo ay hawllo wacyigelin ah ka samayn doonaan goobo dhawr ah.

Waxaanu yidhi “Waxaa halkan fadhiya  16 xubnood oo kal-kaaliyeyaal caafimaad ah iyo saddex super visor oo aanu ugu tallo galnay in ay qayb ka noqdaan wacyigelinta bulshadda.

Waxay awoodda saari doonaan goobaha Sarriibadaha, goobaha lagu iibiyo Caanaha, goobaha lagu iibiyo Khudaarta iyo xaadaha isku-rarranta ah, waxaana loo samayn doonaa qorshe maalinle ah. kuwaasoo shaqayn doona afar maalmood oo todobaadka ka mid ah.

Waxaanay shaqadda bilaabi doonaan Axada todobaadka soo socda. Waxaana loo diyaarin doonaa agab kastoo ay u baahan yihiin, si ay u sameeyaan wacyigelin dhamaystiran”.

U qaabilsanaha hay’adda HELLO TRUST ee Somaliland ayaa iyadna sheegtay in ay ka hay’ad ahaan diyaar ula yihiin in ay ka caawiyaan Somaliland wax kastoo la xidhiidha ka hor taga iyo wacyieglinta bulshadda ee caabuqa Covid-19.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here