Dawladda Somaliland oo Qorshaysay inay Ergo Tabliiqiyiin Siyaasadeed ah u Kala Dirto 34 Waddan oo Caalamka ah

0
899
Wasiir Sacad Cali Shire

Hargeysa,(HargeisaPress) —Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa diyaarisay qorshe ergo tabliiqiyiin siyaasadeed ah loogu kala dirayo 34 waddan oo caalamka ah, kuwaasoo ajandahoogu yahay inay qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland gaadhsiiyaan dalalka muhiimka ah ee adduunka sannadkan 2018, haddii llaahay yidhaah.

Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, dalalka ergooyinka loo kala dirayo oo ku kala yaal qaaradaha Afrika, Yurub, Maraykanka, Bariga Dhexe iyo Aasiya, waxa qaar booqan doona Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, halka dalal kalena loo diri doono ergooyin ka kala socda baarlamaanka (guurtida iyo wakiillada) iyo saddexda xisbi qaran.

“Halkan waxa noogu qoran in 34 waddan cid loo diro oo qaar madaxweynuhu tago, qaar baarlamanku (Guurtida iyo Wakiillada) tago, qaar aan anigu tago, qaar axsaabtu (xisbiyada qaranka) tagto oo aan meel walba cid u dirno ayaa loo baahan yahay, sida dalalka Afrika, qaaradda Yurub, USA (Maraykanka), Bariga Dhexe iyo dalalka Aasiya oo intaasba cid u dirano ayaa qorshaha noogu jirta iyo in aan ka qaybqalno shirarka caalamiga ah, waayo shir kasta oo aad ka qaybqaadato wuxuu kor u qaadayaa magacaaga.” Sidaa waxa yidhi Wasiir Sacad Cali Shire oo warbixin siiyey Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland 13 February 2018.

Warbixinta uu jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibaddu oo qaybo ka mid ah lagu faafiyey website-ka Golaha Wakiillada, waxa uu kaga hadlay arrimo kala duwan, waxaannu yidhi;

“Horta, Wasaaraddu waxa ay leedahay shan u jeedo, waxay qabatana waxa loo qaybin karaa 5 qaybood guud ahaan;

  • Mid waa siyaasaddii iibinta qaddiyadda waddanka iyo saaxiib samaysiga iyo ictiraaf-doonka iyo arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha (maalgashi-raadin iyo in ay raadiso mucaawimo).
  • security
  • Hawlgalinta Qurbo-joogta

Markaa Wasaaraddu waxay u kala qaybsan tahay laba qaybood oo qaybi waa xarunta, halkan oo xarunta waxa jooga 84 shaqaale ah, waxayna leedahay lix waaxood oo kala ah;

  • Waaxda maamulka
  • Waaxda protocol-ka (baratakoolka)
  • Waaxda siyaasadda (oo isagu sii kala qaysamaya)
  • Waaxda communication-ka (Isgaadhsiinta)
  • Waaxda sharciyadda
  • Waaxda cilmi-baadhista

Qaybta labaadna, waa arrimaha dibedda oo waxa aan ku leenahay 29 wakiil oo dibadda inoo jooga. 29 wakiil waa saddex qaybood, 9 ka mid ah waa xafiisyo aynu leenahay oo shaqaale leh oo furan oo laga shaqeeyo, 9 xafiis waxay ku kala yaaliin;

  • Nairobi, Kenya
  • Addis Ababa, Ethiopia
  • Jabuuti
  • Sanca, Yemen
  • Dubai,
  • Shiinaha (China)
  • Sweden
  • England (Ingiriiska)
  • USA (Maraykamka)

Waxa iyana jira wakiilo inoo jooga dalal dibadda ah oo laakiin mushahar ku qaata, waana wakiilka south Sudan (Koonfurta Suudaan), Turkey, Faransiiska,  Belgium-ka, Norway, Canada, AU (Midawga Afrika), markaa waa safiiro uu madaxweynuhu magacaabay oo wakiil inooga ah dalalkaas, waxa iyana jira 9 wakiilo oo aan mushaharna qaadan oo waa wakiil sharafeed oo inoo kala jooga dalalka Tanzania, Uganda, Malaysiya, Holland, Denmark, Germany (Jarmalka), Finland, Ireland, Kuwait iyo Cuman, intaasi waa wakiiladeena dibedda. Waxa jira niman khubaro ah oo kale oo aan adeegsano oo inala shaqeeya,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Waxa kaloo uu ka hadlay waxyaabaha qorshaha ugu jira sannadkan 2018, waxaannu yidhi; “Ujeedooyinka sannadkan 2018 waxa ka mid ah oo qorshaha noogu jirta;

  • Dib-u-habaynta Wasaaradda (gaar ahaan wakiillada dibedda) oo aan xoojino inta muhiimka
  • In aynu Somaliland qaddiyadeeda gayno caalamka meelo badan
  • Sidii aynu u adeegsan lahayn warbaahinta caalamka oo aan saaxadda isu gayn lahayn oo aan codkeena kor u qaadi lahayn.
  • Waxa qorshaha noogu jira wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya in dib loo bilaabo
  • In aan maalgashi shishee aan keeno waddanka
  • Dhammaystirka heshiisyo qabyo ah

Haddaba, si ay u fulaan hawlahaasi waa in socod badan la sameeyaa sannadkan 2018,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here