Laascaanood (Hargeisa Press): Dawladda hoose ee degmada Laascaanood ayaa saaka xaafado ka mid ah magaaladaasi waxay ka fulisay hawl gallo Waddo banayn ah.
Waxaana hawl galkaasi waddo banaynta ah ay saaka ka fulisay dawladda hoose xaafadda Heegan oo ka tirsan xaafadaha magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Iyadoona maalmihii la soo dhaafay dawladda hoose ee Laascaanood xaafadaha magaaladaasi ka waday hawl galadda waddo banaynta.
Hawl galadan waddooyinka lagu banaynayo ayaa qayb ka ah sidii wax looga qaban lahaa bilicda magaaladana loo soo celin lahaa, isla markaana loo diyaarin lahaa qorshaha mashruuca nidaaminta magaaladda (town plan).
Waxaana hawl galkaasi waddo banaynta ah fulinayay masuuliyiinta iyo hawl wadeenadda dawladda hoose ee Laascaanood oo isticmaalayay Cagaf-cagafyadda lagu hagaajiyo jidadka.
Geesta kale 20-kii isla bishan December ayay dawladda hoose ee degmada Laascaanood waxay hawl gallo waddo banayn ah ka fulisay xaafadda Badda Cas ee magaaladda Laascaanood.
Waxaanay hawl galkaasi ku fureen Waddooyin xidhmay, halka ay dib u habayn iyo qurxin ku samaysay waddooyinka xaafadda Badda Cas ee iyagu hadda la isticmaalo sida caadiga ahna loo adeegsado.
Tallaababadani waddo banaynta ee ay waddo dawladda hoose ee Laascaanood ayaa muujinaysa sida ay masuuliyiinta degmadu had iyo goor ugu taagan yihiin bilicda iyo qurxinta magaaladda Laascaanood.
Maayarka degmadda Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, ayaa ugu baaqay dadwaynaha ku dhaqan magaaladda Laascaanood inay kala shaqeeyaan hormarka ballaaadhan ee ka socda magaaladda.
Dhinaca kale maamulka dawladda hoose ee Laascaanood oo uu hormood u yahay maayarka magaaladda ayaa mudadda kooban ee ay joogeen waxay ku talaabsadeen fulinta qorsheyaal kala duwan oo ay ka mid tahay furitsa ama banaynta waddooyin hore u xidhmay iyo bilawga kuwo cusub.
Sidoo kale dawladda hoose ee Laascaanood ayaa mudadda bilooyinka ah ee ay xilka hayeen waxay sameeyeen mashaariic horumarineed oo kala duwan.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.