Hargeysa (Hargeisa Press)- Dallada Dhallinyarada heer qaran ee SONYO Umbrella iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Doodda Dhallinyarada ee ku saabsan kor u qaadidda fahanka Siyaasadda Dhallinyarada ee Qaranka Somaliland.
Waxa kulanka si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Axmed Yaasiin Maxamed Faarax.
Sidoo kale, kulanka waxaa ku sugnaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaraha Cabdillaahi Maxamuud Maxamed jiidhe, Agaasimaha fulinta ee sanduuqa dhalinyaradda Somaliland, Khadar Ibraahim Maxamed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goloyasha iyo Arrimaha Dastuurka Khadar Nuur Cabdi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda dibu-dajinta Mukhtaar Cabdi Jaamac.
Agaasimaha Dalladda Dhallinyarada SONYO Umbrella, ayaa kulanka ka jeediyey kalmado ay ku bogaadinayaan siyaasadda dhallinyarada qaranka.