Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley wefti ka socda Shirkad Mareykanka ah

0
1478

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay Shirkad Caalami ah oo la yidhaa “𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐅𝐨𝐨𝐝 𝐒𝐞𝐜𝐮𝐫𝐢𝐭𝐲” oo laga leeyahay dalka Mareykanka, kana hawl-gasha Waddammo dhawr ah oo ku yaalla Afrika.

Madaxweynaha, ayaa waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirrada Madaxtooyada, Beeraha, Wasiir ku-xigeenka Beeraha, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xoghayaha Madaxweynaha.

Weftigan waxa hoggaaminayey Maamulaha guud (CEO) ee Shirkadda Mr. Allan Kessler oo ay wehelinayeen Edward Meijering, Rage Adan, iyo Mohamed Diriye oo dhammaantood ah hawl-wadeenno ka tirsan Shirkadda African Food Security.

Ugu horrayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu masuuliyiinta African Food Security uga mahad naqay booqashadooda, waxana uu u sheegay in Xukuumadiisu ay mudnaan gaar ah siinayso kobcinta wax-soo-saarka beeraha, kor-u-qaadista dalagga u adkaysta abaaraha iyo isbeddelka cimilada, casriyeynta farsamada wax beerista, tababarka beeralayda iyo kor qaadista xirfadahooda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa masuuliyiinta African Food Security u sheegay in Somaliland ay soo dhawaynayso cid kasta oo ula timaada maal-gelin faa’iido u leh dadka iyo dalka, gaar ahaan xagga saraca iyo wax-soo-saarka beeraha.

Maamulaha guud ee Shirkadda African Food Security Mr. Allan Kessler iyo madaxda kale ee Shirkadda, ayaa waxa ay Madaxweynaha Somaliland uga mahad naqeen qaabilaada iyo soo dhawaynta. Waxa ay sheegeen in ay Shirkad ahaan aad ugu faraxsan yihiin in ay maal-gashadaan dal sida Somaliland oo kale ah. Waxa ay sheegeen in ay awood dhaqaale iyo mid aqooneedba u leeyihiin in ay Somaliland ka hirgeliyaan isbeddel la taaban karo oo ah xagga casriyeynta qaabka wax beerista, wax-soo-saarka Beeraha iyo calafkka Xoolaha, taasina ay Jamhuuriyadda Somaliland ka saacidi doonto in dalku uu iskii u soo saaro cunto ku filan.

African Food Security waxa ay sheegeen in marka la eego buqcadda istiraatijiyadeed ee ay Somaliland ku taallo in ay mustaqbalka awood u yeelan doonto in ay Sucuudi Caraabiya iyo Waddammada Gacanka Carabta (GCC) u dhoofiso wax-soo-saarka dalagyada beeraha.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga ka socday Shirkadda African Food Security u sheegay in wixii heshiis ah ee ay labada dhinac wada galayaan, uu u xilsaaran yahay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here