Dallada Nagaad oo Munaasibad-Qalinjebina U Qabatay Haweenka Ku Ganacsada Suuqa Waaheen

0
866

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dallada isku xidhka Haweenka Somaliland ee NAGAAD, ayaa waxaa ay maanta magaalada Hargeysa munaasibad qalin-jebin ah ugu qabatay qaar ka mid ah Haweenka ku Ganacsada Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan qalin jebinta oo ka qabsoontay xarunta guud ee dallada Nagaad, ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha dallada Nagaad, xubnaha dallada, masuuliyiin ka socday Wasaarada Shaqo Gelinta madax kala duwan.

Haweenkan ganacsatada ah ee qalin jebiyay, ayaa waxaa ay tiradoodu dhamayd 80, iyagoona dhamaystay 6 bilood oo ah habqoraalka Soomaaliga iyi Xisaabta.

Mashruucan, ayaa waxaa taageertay Dallada NAGAAD oo kaashanaysa Hay’ada OXFAM oo bixinaysay mushaharka macalimiinta.

Qorshaha mashruucan, ayaa waxa uu qayb ka ahaa barmaamijka wax barashadda Hooyooyinka ee Hibo iyo Haween oo ay hal abuurtay Hibo-Nuura.

Ugu horayn waxaa munaasibada qalin jebinta hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha Dallada isku xidhka Haweenka Somaliland ee NAGAAD, Ismahaan Cabdisalaan, iyadoona madasha ka jeedisay hadlo isugu jira hambalyo iyo dhiiri gelin ay lawadaagayso Haweenka maanta qalin jebiyay, waxaana ay sheegtay in ay farxad weyn tahay in Haweenkani ay bartaan wax aad u mihiim ah oo ay xirfadooda ku sii kordhin lahaayeen, islamarkaana ay Ganacsigooda kor ugu sii qaadi lahaayeen.

Sidoo kale, waxaa iyaguna hadalo ka jeediyay munaasibada qaar ka mid ah, madaxdii iyo masuuliyiintii ka soo qayb galay munaasibada ay ku qalin jebinayeen Hooyinkan, iyagoona hambalyo iyo dardaaran u jeediyay Hooyinkan maanta qalin jebiyay.

Gabogabadii munaasibada, ayaa waxaa madasha lagu gudoonsiiyey Hooyooyenkaa Shahaadooyin iyo qalab iyo sidoo kale lacago oo ay ku sii horumariyaan ganacsigooda oo ay taageeradaas u fidisay NAGAAD oo kaashanaysa Ha’yadda OXFAM.

Hoos ka daawo muuqaalka warka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here