Saylici oo Furay Shirweynaha Qaran Ee Isbedelka Cimiladda

0
481

Hargeysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta magaaladda Hargeysa ka furay shirwaynaha qaran ee arrimaha Isbedelka Cimiladda Somaliland.


Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka cimiladda Soamliland, waxaana ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Deegaanka JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi.

Waxa kaloo furitaanka shirkaasi kaasoo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, agaasimeyaal guud, xildhibaano, haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah ee ka shaqeeya arrimaha deegaanka, iyo wax ka qabashadda dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo shirkaasi si rasmiya u furay ayaa sheegay in xogaha iyo deraasadaha la sameeyay ay tilmaamayaan in aynu ka mid nahay waddamdada ugu nugul xagga isbedelka cimiladda.
Waxaanu soo jeediyay C/raxmaan Saylici, in la inooga baahan yahay in aynu qaadno tallaabooyin aynu kaga hor tegayno, ama aynu kaga gaashaamanyano, waxyeeladda ay isbedelka cimiladu keentay, isla markaana aynu kula qabsano.

Saylici, waxa uu xusay in xukuumadda Somaliland iyadoo arrintaa dareensan in ay qaaday tallaabooyin muhiim ah, oo wax ka tari doona la qabsiga, iyo u adkaysiga xaaladaha isbedelka cimiladda ee adduunaydda ku soo kordhay.
Iyadoo na ay dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen siyaasad qarran oo ka turjumaysa isbedelka cimiladda. Lagu na maamuli doono arrimaha deegaanka.


Wasiir Shukri Baandare, oo furitaanka shirkani hadal ka jeedisay ayaa sheegtay in lagu dhaqmo shuruucda dalka ee ku saabsan ilaalinta deegaanka, isla markaana ay wasaarradaha iyo haayadaha dawladu ku dhaqmaan.
Shukri Baandare, waxa ay tilmaantay in dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladu ay caalamkoo dhan saamaysay, iyadoo na Hawadda wasakhda ay ku sii daayeen ay dhibaatadeedu saamaysay wadamadda soo koraya.

Waxa kaloo ay wasiirku ka hadashay faa’iidadda ay dhirtu leedahay iyo sida aanay bulshadeenu ugu baraarugsanayn ee ay u jarayaan dhirtii dalkeena, taasoo sababaysa in ay sii korodho waxyeeladda soo gaadhaysa deegaankeenna.


Geesta kale waxaa shirkaasi hadalo ka jeediyay wasiirro, siyaasiyiin, khabiirro aqoon u leh arrimaha deegaanka, madax ka socday haayadaha caalamiga ah ee wasaaradda deegaanka wada shaqaynta leeyihiin, iyo masuuliyiin kale.

HALAKN KA DAAWO HADALADII LAGA JEEDIYAY FURITAANKA SHIRKAASI:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here