Dalka Denmark oo walaac ka muujiyey caddeymaha lagu saleeyey xukun 20 sannadood iyo mag maxkamada Gobolka Hargeysa ku Riday Muwaadin Cumar Xasan Cumar

0
1051

Copenhagen, (HargeisaPress) — Xukuumada dalka Denmark ayaa sheegtay in maxkamada Gobolka Hargeysa xukun gaadhaya labaatan sannadood iyo 33 iyo badh neef oo geel ah ku xukuntay eedeysane loo haystay inuu geystay dil ka dhacay Denmark sannadkii 2012.

 

Garyaqaan Dorit Borgaard oo ciidanka booliiska magaalada Copenhagen ayaa u xaqiijiyey wargeyska Ritzau in eedaysanaha oo lagu magacaabo Cumar Xasan Cumar 28 bishii hore ee July, maxkamadu xukunka ku riday, isla markaana sheegay in magta geela la siin doono qoyskii marxuumkii geeryooday.

 

Booliiska dalka Denmark ayaa sheegay in ninkan xukunka lagu riday lagu eedeynayey inuu qeyb ka ahaa dilka  Arday jaamacad Sharciga dhigan jiray Jonas Thomsen Sekyere, oo u dhintay dhaawacyo loogu geystay mindi. Grasp

 

Ciidamada ayaa sheegay inay ku guulaysteen qabashada saddex nin oo eedeysane u ahaa kiiska dilka, halka ninkii afaraad u baxsaday wadanka xilligan lagu maxkamadeeyey ee Somaliland.

omae ma

Sannado badan baadigoobkiisa waxaan ogaanay inuu joogo Somaliland, halkaa soo lagu xidhay, balse dastuurka wadanka Somaliland ayaa mamnuucaya in loo mustaafuriyo muwaadin u dhashay wadan labaad, waxaanay bilaabeen inay maxkamad dhegeysato eedaha loo haysto, sidaanu ka codsanay, ayuu u sheegay Garyaqaan Borgaard, wargeyska Ritzau.

 

Garyaqaanka ayaa xaqiijiyey in ciidanka booliiska Copenhagen ku guuldaraysteen inay u gudbiyaan xukuumada Somaliland wax caddeymo ah oo la xidhiidha eedaha kiiska, markaa aanay hubin caddeymaha dhegeysiga kiiska iyo xukunka lagu saleeyey.

 

Xeer-ilaaliyeyaasha Copenhagen ayaa xilligan dersaya qoraalka xukunka maxkamada, sidoo kale waxa la eegi doonaa inay ku qancaan go’aanka, ama inay mustaqbalka u hawlgalaan sidii ninkaa loogu mustaafurin lahaa Denmark si loogu maxkamadeeyo.

 

Geela magta ah ayaa la filayaa in loo lacageeyo qoyskii marxuum Jonas Thomsen Sekyere, sidii loo ballanqaaday, looguna soo diro Denmark.

 

Dhinaca kale, Maxamed Abokor oo ah looyarka u doodayey muwaadinkan Cumar Xasan Cumar oo Shabakadda HargeisaPress,  khadka telefoonka ugu waramay ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadanayo oo xukunkan ku dhacay sharci daro tahay, maadaama oo cidii dacwaynaysay aanay joogin balse xeer ilaalintu Somaliland uun dacwadda ku soo oogtay.

 

Hlakan ka Akhri Warbixinta Wargeyska Ritzau

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here