Dagaal Ka Dhacay Xuduuda U Dhaxeysa Goballada Tigray iyo Amxaarada

0
769
FILE PHOTO: A burned tank stands near the town of Adwa, Tigray region, Ethiopia, March 18, 2021. REUTERS/Baz Ratner/File Photo

Mekelle (Hargeisa Press) – Saraakiisha dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay xuduudka u dhaxeysa Goballada waqooyiga Itoobiya ee Tigray iyo ka Amxaarada ee dalkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalladaas ay ku dhinteen ku dhawaad 15 qof, wuxuuna ka dhacay aagga loo yaqaanno Wag-Hemra oo labada maamul ee Tigray iyo Amxaara ay kala sheegtaan.

Dagaalkan ayaa imanaya iyadoo ugu badnaan lix bilood hadda laga jooga dagaalkii gobalka Tigray ee dowladda Itoobiya la gashay xogaga TPLF.

In kastoo bil gudaheed xukunka lagaga tuuray maamulkii ay hoggaamineysay TPLF ee Tigray, haddana wariyeyaasha ayaa sheegaya in dagaalka uu caddeyn muuqata u yahay in jabhaddan ayna wali quusan.

Waxyaabaha kale ee keenaya in TPLF aanay quusan waxaa ka mid ah in xilligan dowladda Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ay haystaan culeyso kaga imanaya qaar ka mid ah goballada iyo maamullada kale ee dalka Itoobiya.

Waxaa jiro walaac xoogan oo laga muujinayo xaaladda guud ee dalka Itoobiya gaar ahanna dagaallada ku salaysan qoomiyadaha taas oo keeni karta saameyn balaadhan oo gudaha iyo dibaddaba ah, sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka sida dhow ula socda arrimaha ka dhacay dalkaas.

Dalka Itoobiya waxaa bilihii ugu dambeeyay ka dhacayay dagaallo u dhaxeeya qaar ka mid ah qowmiyadaha dalkaas oo ay dad badan ku dhinteen. Sidoo kale dagaallada ku saleysan qoomiyadaha ayaa qasbay in ay kumanaan qof barakacaan.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa marwalba waxay sheegtaa in amniga dalka ay gacan bir ah ku qabanayso, cidkasta oo dalka qalaalaase u horseedaysana ay tallaabbo ka qaadayso.

Waxyaabaha walaaca keenaya ayaa la sheegayaa in ay yihiin in dagaallada qoomiyadaha ee inta badan ka dhacaya dalka Itoobiya ay salka ku hayaan dhanka awoodda.

Qorshaha hadda ee dowladda Itoobiya wuxuu yahay in ay qabato doorashooyiin wakhtigoodii ka dib dhacay oo dadka ay codkooda ka dhiiban doonaan horraanta bisha Juun.

Isku dhacayada gobalka Tigray ayaa sababay in doorashada laga joojiyo gobalkaas, waxaana jira cabsi laga qabo in ay rabshado kale ka dhacaan qaybaha kale ee wadankaas, sida ay qabaan dadka ka faalooda arrimaha Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here