Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Boocame

0
2565

Laascaanood (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya degmada Boocame oo ka tirsan gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal beeleed dhimasho iyo dhaawac sababay uu halkaasi ka dhacay.

Dagaalkan, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaanka ceelka Sanga-jebiye oo u dhow degmada Boocame, islamarkaana uu u dhexeeyo laba beelood oo halkaasi wada dega.

Wararka, ayaa intaa ku daraya in ugu yaraan 5 ruux ay ku dhinteen, halka 10 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkan, ayaa sida la sheegay ka bilaabmay deegaamayn dhul cusub oo mudooyinkii la soo dhaafay xaalad adagi ka taagnayd.

Waxaa lagu soo waramayaa in labada beeleed ay wadaan isku ciidamaysi xoogleh, iyada oo laga cabsi qabo inuu dagaalku sii xoogaysto.

Dagaallada ku soo noqnoqda deegaanada gobolka Sool, ayaa waxaa ay inta badan ku salaysan yihiin aanooyin qabiil iyo dhul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here