Waddada Isku Xidha Jabuuti iyo Addis Ababa oo La Xanibay

0
1018
Addis Ababa–Djibouti Railway
Addis Ababa–Djibouti Railway

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muxumed Cumar oo la hadlay wakaalada wararka Reuters, ayaa sheegay in la xanibay waddo muhiim ah iyo khad tareen ganacsi oo halbowle ah, oo isku xidha magaalada Addis Ababa iyo dekedda magaalada Jabuuti.

Waddadan, ayaa ah mid la mariyo inta badan badeecadaha la gaadhsiiyo 110-ka milyan ee qof ee ku nool dalka Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar , ayaa sheegay in waddada iyo khadka tareenka ay xanibeen koox dhallinyaro ah oo ka dibad-baxaya weerar dhacay Sabtidii.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan furno khadka tareen iyo waddada maanta,” ayuu madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar u sheegay wakaalada wararka ee Reuters oo uu farriin qoraal u diray. Waxaanu intaasi ku daray, “Waxaan wada-xaajood kula jirnaa dhallinyarada iyo dadka,”.

Sikasba ha-ahaatee, arrintan ayaa waxaa aan ilaa iyo hada ka hadal Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiinta Jabuuti.

Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here