Dagaal Beeleed Markale Ka Qarxay Gobolka Sanaag

0
3268

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka qarxay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Dagaalka oo ahaa mid qadhaadh ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Fadhigaab oo hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay dhinteen ugu yaraan illaa 2 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Maleeshiyaad beeleedka diriraya oo maalmihii la soo dhaafay waday dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa isku haya arrimo la xadhiidga dhul-daaqsimeed.

Waxa ay wararku intaasi ku darayaan in xaaladdu ay haatan kacsantahay, iyadoona weli ay is-horfadhiyaan maleeshiyada labada beelood oo abaabul dagaal ka wada halkaasi.

Dagaal beeleedyadan ayaa Inta badan ku soo laablaabta deegaanka Ceel-Afweyn iyo deegaanada hoos-yimaada, iyadoo xukuumada Somaliland lagu eedeeyey inay ka gaabisay wax ka qabadashada colaadahaasi oo ay ku dhinteen dad badan, kuna barakaceen kuwa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here