Dadweynaha Xarriirad Oo Taageero U Muujiyay Ciidamadda Qaranka Somaliland  

0
238

Xarriirad (HP): Bulshadda ku nool degmadda Xarriirad ee  gobolka Selel, ayaa maanta dhigay isku soo bax ay ku taageerayaan ciidamadda qaranka Somaliland ee  jiidaha gobolka Sool  kula dagaalamaya kooxaha huwanta ah.

Waxaanay dadweynuhu muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin ciidamadda qaranka Somaliland, iyagoo na halkaa ku soo bandhigay hal-ku-dhegyo ay ku cadaynayeen taageeradoodda ciidamadda qaranka.

Banaan baxani ay maanta dhigeen bulshadda magaaladda Xariirad waxaa kala qayb qaatay masuuliyiinta degmadaasi oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha degmadda Xariirrad, iyo masuuliyiin kale.

 

Dadweynahaasi oo socod ku soo maray qaybaha magaaladda Xariirad, ayaa markii danbe waxay isugu yimaadeen meel fagaare ah, halkaasi ay kula hadleen masuuliyiintu.

Guddoomiyaha degmadda Xariirad ee gobolka Selel, oo dadweynaha la hadlayay ayaa sheegay in ay shacab ahaan, iyo masuuliyiinba garab taagan yihiin ciidamadda qaranka JSL, isla markaana ay diyaar u yihiin difaaca qaranka.

 Geesta kale waxaa iyagna halkaa suugaan, iyo hadalo kale oo ay ku taageerayaan ciidanka qaranka ku soo bandhigay xubno ka mid ahaa dadweynihii isku soo baxaasi hormoodka u ahaa.

DAAWO: Hadalkii Guddoomiyaha degmadda Xariirad:

 https://youtu.be/Brbisb5OBbE?si=NLqu91U_po9O1k0d

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here