Ceel-Afweyn: Beel Aqbashay Go’aanka Xukuumadda Ee Xabad Joojinta  

0
359

Ceel-Afweyn (HP): Beel ka mida beelihii dhawaan dirirtu ku dhex martay degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa shaaciyay in ay aqbaleen xab joojintii ay dhawaan xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday.

 

Waayeelka iyo Wax-garadka beel mid ka mid ah Ardaayadii shaqaaqadu ku dhexmartay Ceel-Afweyn, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay go’aamadii xukuumadu dhawaan ka soo saartay colaaddaasi.

 

Waxaanay odayaasha, iyo waxgaradku sheegeen in ay dhinacoodda u hogaansameen go’aamadii xabad joojinta ee ay soo saareen ergadda xukuumadda JSL ka socda ee  ku sugan magaaladda Ceel-Afweyn.

 Madax dhaqameedka beeshaasi oo maanta warbaahinta kula hadlay degmadda Ceel-Afweyn ayaana sidaas shaaciyay.

DAAWO: Beel ka mida beelaha ku dagaalamay Ceel-Afweyn oo aqbashay xabad joojinta:

 


 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here