Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo ka Qayb Galay Qalinjabinta Dufcaddii 34aad Jaamacada Golis + SAWWIRO

0
334

Hargeysa,(HargeisaPress)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay ka qayb-galay munaasibada Qalin-jebinta Dufcadii 34aad, marka lagu daro Gobolada Dalka ee ka baxda Jaamacada Golis, faraceeda Hargeysa oo ay shalay ka baxeen Arday tiradoodu dhan tahay 1,183.

Waxaana madaxweyne ku xigeenka kala qaybgalay gudoomiyaha golaha wakiilada Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), masuuliyiin kala duwan, waalidiin, madax-dhaqameed iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku hambalyo u diray dhammaan ardayda qalin-jebisay, waalidiintii ku soo tacabtay ee halkan soo gaadhsiiyey iyo maamulkii Jaamacadda Golis ee ku dedaalay inay soo saaraan tirada intaa leeg ee xambaarsan cilmiga kala duwan ee u

Sidoo kale waxa munaasibada qalinjabinta jaamacada Golis ka qaybgalay wasiirro, qaar ka mid ah guddoomiyayaasha ururada siyaasaddda Somaliland, madax ka tirsan xisbiyada qaranka, xildhibaano, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha jaamacada Golis qaybteeda Hargeysa Mudane Siciid Maxamed Axmed, ayaa sheegay in 1,183 ardayda oo dhammeystay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadu ay maanta (shalay) ka qalinjabiyeen, waxaanu intaas ku daray in dhammaan gobollada dalka ay xarumo ku leedahay jaamacadu, qorshahooduna yahay inay u tallaaban dalalka Geeska iyo bariga Afrika.

Gaba-gabadii madaxweyne ku xigeenka iyo masuuliyiintii kale ee ka soo qaybgalay xaflada qalinjabinta Jaamacada Golis ayaa shahaadooyinkii ay mutaysteen guddoonsiiyay ardayda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here