Dabkii ka kacay Suuqa magaalada Diridhaba oo lagu guuleystay damintiisa

0
837

Diridhaba (Hargeisa Press)- Waxa lagu guulaystay daminta dabkii saaka ka kacay suuqa magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, kaas oo geystay khasaare aad u xooggan.

Dabkan oo ka kacay suuq isku rarana, ayaa sababay in ay gubtaan qaybihii ugu waaweyn suuqan oo ahaa mid ay dadku aad uga adeegtaan.

Dab saaka aroortii ka kacay suuqa dharka hudhaydhka ah ee magaalada Diridhaba, ayaa in badan lala tacaalayay sidii loo demin lahaa.

Ciidamada dabdemiska iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, ayaa la tacaalayay sidii ay u xakamayn lahaayeen dabkan.

Waxaana la sheegayaa in dabku khasaare hantiyeed oo xoogan gaystay inkasta oo aan lasheegin wax dhimasho ah. Waxaana socota baadhitaan ku saabsan wixii keenay dabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here