Ceerigaabo (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya gobolka Sanaag, ayaa waxaa ay sheegayaan in lagu guullaystay in la xakameeyo dabkii ka kacay Keymo ku yaalla gobolkaasi.
Wasiir ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Maxamuud Warsame iyo saraakiil kale, ayaa sheegay in hadda lagu guullaystay in la hakiyo dabka si aanu meelo cusub ugu fidin.
Sidoo kale, wararka, ayaa waxaa kale oo ay sheegayaan in weli ay jiraan meelo uu dabku ka sii holcaayo.
Dabkan ka kacay kaymaha gobolka Sanaag, ayaa socday saddex maalmood, waxana uu baabi’iyay Kaynta oo ku taalla meel aad u qurxoon.
Dabkan oo ahaa mid laxaad leh, ayaa la sheegay inuu ku sii fiday kaynta Gaacidh iyo Xero Moolli oo ka tirsanaa Buurta Daalo ee gobolka Sanaag.
Dhulka dabku ka kacay, ayaa ah dhul kaymo iyo buuro isugu jira oo inta badan Cagaaran.