Dabaaldega 18-ka May Oo Si Balaadhan Looga Xusay Sool

0
625

Laascaanood (HP): Xuska maalinta qaran ee 18-ka May ayaa si balaadhan looga xusay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.


Xaflad balaadhan oo lagu xusayay 30-guurada ka soo wareegtay gooni isku taaga Somaliland ee lagu qabtay Laascaanood waxaa ka soo qayb galay maamulka gobolka, ka degmadda, masuuliyiin, saraakiisha ciidamadda iyo dadweyne fara badan.


Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo khudbad u jeediyay dadweynaha ayaa kaga hadlay xuska maalinta qaranka, arrimaha doorashooyinka, nabadeliyadda iyo arrimo kale.

 


Hargeisa Press.ocm/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here