Daawo Muuqaal: Wasiiradii Iscasilay Oo Kulan Yeeshay iyo Farriinta Bulshada Ay U Direen

0
904

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si kooban uga hadlay kulan xubnihii shalay iscasilay ay Hargeysa ku yeesheen, waxaanu sheegay inay ka arrintasayeen qorshahooda Kulmiye.

 

Xirsi Cali Xaaji Xasan, wuxuu saxaafadda u sheegay inay xisbiga Kulmiye yihiin, kuna kalsoon yihiin inay haystaan aqlabiyadda xisbiga, sidaasina ay jecel yihiin inay kaga tartamaan xisbiga dhexdiisa “ shalay ayaanu xilka ka tagnay, Dawladdan muddo 5 sanno ka badan baanu u soo shaqaynaynay, qarankuna waa qarankayagii waanu sii dhisaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Wasiirku wuxuu bulshada u diray farriin nuxurkeedu yahay inay ammaanka ilaaliyaan, isna dejiyaan “ Wax dhib ahi ma jirto, dadka waxaan ugu baaqayaa inay isdejiyaan oo dadka inoo ilaaliyaan, danteena iyo nabadgalyadeena ayaa ku jirta, anaguna kuwii dalka dhisayay ayaanu nahaye kuwii dalka laga ilaalinayay ma nihin,” ayuu yidhi Xirsi.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here