Buuhoodle , (HargeisaPress) —Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye ) oo Hawlo shaqo u jooga Gobolka Buuhoodle ayaa ka hadlay arimo badan oo khuseeya Xaalada amni ee Gobolkaasi, sidoo kalena tacsi u diray dad xoolo dhaqato ah oo habeenimadii Sabtida ay ilaalada nabad diidka cali khaliif ku dileen Deegaanka Carro-weyn oo nawaaxigeeda Buuhoodle ah.
Wasiirka Caafimaadka oo magaalada Buuhoodle kula hadlay TV-ga qaranka ayaa ugu horayn waxa uu tacsi u diray dhamaan shacabka Somaliland, gaar ahaana ehelada dadka falkaasi ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay, waxana hadaladii wasiirka ka mid ahaa: ‘Waxa aan halkan tacsi Uga dirayaa ehelada dadkii shalay waxyeeladu ka soo gaadhay falkii maato-dooxa ahaa ee uu gaystay Cali Khaliif galaydh, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo intooda dhimatay intoodana dhaawacantayna uu caafimaad sareecan ah siiyo’
Halkan ka daawo muuqaalka warka
HargeisaPress News Desk — Hargeysa