Hargeysa, (HargeisaPress) —Suldaanka Guud ee Beesha Bariga magaalada Hargeysa Suldaan Cabdirixiin Saxariid Kaahin ayaa markii ugu horeysay ka Hadley Arimo ay ka mid yihiin muranka ka taagan Baraxada hore ee Tiyaatarka magaalada Hargeysa,Hadalo isdaba jooga oo ka soo yeedhay Madaxdhaqmeed ay ka mid yihiin,Boqor Buurmadow iyo Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan.
Suldaan Cabdirixiin Saxariid Kaahin waxaa uu ugu horeyn si adag uu u dufaacay arinta Ganacsade Cumar Caydiid isla markaaana waxaa uu dhawaaq dheer ku Cambaareeyey Xadhigii ay xukuumadu kula kacday Ganacsade Cumar Caydiid waxaanu Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Ugu Baaqay in ay ka jawaabto sababta lagu xidhay.
Halkan Hoose ka daawo Muuqaalka Warkan.
Geesta kale Suldaanka Guud ee Beesha Bariga magaalada Hargeysa Suldaan.Cabdirixiin Saxariid Kaahin Waxaa uu Xaal siiyey Bulshada reer Somaliland ee Dhibsatay Hadalkii Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan
HargeisaPress News Desk — Hargeysa