Daawo: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Hargeysa Ka Furay Carwada Lagu Soo Bandhigayo Wax Soo Saarka Kaluunka + SAWIRRO

0
1139

HARGEISA, (HargeisaPress) —Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaa Carwada Kaluunka oo socondoonta Muddo  Sadex Cisho Ah waxaana lagu soo bandhigay  Wax Soo Saarka Khayraadka Baddaha Somaliland ka Buuxa oo uu ka mid yahay Nocyada kala duwan ee Kaluunka.

 

https://www.youtube.com/watch?v=7ve04xLn_zc

 

Munasibadaasi oo si Qurux baddan loo sooo agaasimay ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland, Xildhibaano, Shirkada Kaluunka Iibiya, dadweyne iyo Masuuliyiin Wasiiro ah oo ka socday Dawlad deeganka Itoobiya.

DSC_0059(5)

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga  iyo Khayraadka badaha ee Somaliland Cabdi Guray  oo ka hadlay Carwadaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in tirro msuuliyiiin oo intaasi leegi ka soo qaybgalan Xafladaasi.

DSC_0092(1)

Waxanu faahfaahin ka bixiyey Ujeedda ay u qabteen carwadaasi.  “bandhig carweedka kaluunka ee aynu maanta bilaabayno waxaanu soo wadnay mudo sadex bilood ah,, dabaal dagii kaluunkuna shalay ayuu ka soo qabsoomay magaalada Berbera,waxaanan leeyahay waa in laga faa’iidaystaa mudada ay socoto carwadani.”Ayuu yidhi Agaasimuhu.

DSC00439

Gudoomiyaha somaliland u qaabilsan la dagaalanka budhcad badeeda oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu sheegay in haatan lagu gudo jiro sidii layskaga kaashan lahaa la dagaalanka budhcada kaluunka waxanu yidhi “wasaarada kaluumaysiga waxaan ku bogaadinayaa  horumarka ay gaadhay, shaqada xafiiskaygu waxa uu ahaa la dagaalanka badhcad badeeda,taasi markii ay yaraatayna waxa soo baxday budhcad kaluun, markaa hay’addaha amniga, wasaarada kaluumaysiga, beesha caalamka iyo wadamada jaarkaba waxaanu iska kaashanaynaa sidii meel looga soo wada jeesan lahaa budhcada kaluunka ee soo baxday.”Ayuu yidhi.

DSC_00525

Wasiir ku-xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland marwo shugri Xariir Ismaaciil oo ka hadashay munaasibadan ayaa waxay ka warantay faa’iidada uu kaluunku u leeyahay haweenka waxaanay tidhi “ Anigu dhinaca aan iska taagayo faa’iidada kaluunka waxa weeyaan faa’iidada uu u leeyahay hooyada iyo dhalaanka, hooyada inta badan waxa saamaysa nafaqo daro xiliga ay uurka leedahay iyo xiliga ay jaqsiinayso  waxaana sababta aqoon la’aan ina haysa, haddii ay hooyadu cunto khudrad cagaaran  iyo kaluunka waxay noqonaysaa  mid jidh ahaan iyo qalbi ahaanba caafimaad qabta.”ayey tidhi Wasiirkuxigeneku.

DSC00441

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Kaluumaysiga iyo Xildhibaano waxanay iska dabba mareen Faa’iida uu leeyahay Kaluunku.

 

Waxa kale oo ka hadlay Masuuliyiinta Shirkadaha Kaluunka ka shaqeya Sidda Puntus marine, Gamuur, Union Fish  iyo Shirkado kale waxanay tilmaamen in shirkadahoodu kaluun baddan soos aran isla markan dal iyo dibad ku filnaan karan.

DSC00426

wasiirka ganacsiga iyo gaadiidka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Khadar Cabdi Ismaaciil oo munaasibadaasi ka qaybgalay ayaa sheegay  in dawladdoodu mudnaan siinayso Kalluunka Somaliland sidii ay uga iibsan lahayd, isla markana wasaarada Kaluunka u gaar ah ay  itoobiya sameysay.

DSC_0038(2)

Wasiirka Wasaarada Kaluumaysiga somaliland Cali Jaamac buureed oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa u mahad celiyey  ganacsatada soo bandhigtay wax soo saarkooda dhinaca kaluunka waxanu yidhi “waxan u mahadnaqayaa dhamaan Ganacsatada Yar yare ee maanta ku soo bandhigay halkan ganacsigooga kaluunka iyo sido kale cid walba oo danaysa Kaluumaysiga waxana leeyahay maanta waa maalin farxad leh waayo waxan soo ban dhignay wax aan mudo badan soo wadanay hadaan nahay bahda kaluunka”Ayuu yidhi .

DSC_0080(1)

Gabagabdii waxa munaasibadaasi soo af meeray Madaxweyne Xigeenka Somaliland Waxan Yidhi “ waa inoo farxad dhamaanteen siiba dadka kaluunka ka shaqo leh in aan maanta soo bandhigno Carwo Ganacsiyeedka Kaluumaysiga Somaliland .

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here