Daawo: Barnaamij Ku Saabsan Xasuuq 1988-kii Ka Dhacay Ceel-Afweyn

0
489

Hargaysa (HP): Wakhtiyadii ay deegaamadda dalkan Somaliland ka taagnaayeen dagaaladii u dhexeeyay jabhadii SNM iyo dawladii Siyaad Barre, waxaa dhacay tacadiyo iyo dhibaatooyin ay xukuumadii xiligaasi u gaysatay dadka shacabka ah.

Waxaana dhacay dhacdooyin kala duwan oo lama ilaawaan ah oo qaarkood si wadar ah loogu xasuuqay dadka shacab ah oo reer Somaliland ah, kuwaasoo siyaabo kala duwan oo bini’aadannimadda ka baxsan loo laayay.

Dhacdooyinkaasi foosha xumaa ee lama ilaawaanka noqday waxaa ka mid ahayd xasuuq loo gaystay dad ku noolaa degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, xili ku began qiyaastii taariikhdu markay ahayd sanadkii 1988-kii.

Waxaana dhacdadaasi ka warbixinaya dadkii goob joogga u ahaa xiligii dadkaasi la xasuuqayay, kuwaasoo kala ah Kaltuun Khaliif, iyo Ismahaan Khaliif, oo ah laba gabdhood oo walaallo ah.

Labadan gabdhood ayaa dhacdadasi uga waramay telefishanka Horyaal TV, oo ay uga sheekeeyeen waxa ay ka xasuustaan dhacdadaasi foosha xun, iyo sidii ay u dhacday waagaasi.

Waxaanay sheegeen in isku hal goob lagu wada toogtay 75 qof oo ay ku jireen walaalahood, waalidkood, qarraabadoodda, ehelkoodda iyo dad kaloo fara badan.

DAAWO: Barnaamijkaasi Uu Horyaal TV Ka Diyaariyay Xasuuqii Ceel-afweyn Ee 1988-kii:

https://youtu.be/a1hypA5a3aQ

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here