Hargaysa (HP): Barigii Kulmiye mucaaridka ahaa iskuulka mujaahid Quule Aadan xaflad lagu qabtay lagu xusayay guud ahaan Halagmayaashii ururkii SNM.
Waxaana goobta xaflada yimid badi hormoodkii Kulmiye ama SNM ba xagga xukuumada waxaa yimid wasiirkii xiligaa AHN Xasan Gadhweyne.
Markii xafladii dhamaatay ee mucaarid iyo muxaafid ba wixii la is odhanayay la is yidhi ee goobtii laga dareeray ayay ardaydii ku soo urureen wasiir Xasan Gadhweyne AHN oo sii baxaya.
Wuu isku taagay, oo ku yidhi “maxaa dhacay? Kuye waa ardaydii wasiir ha bedelin maamulaha iskuulka Quule Aadan.
Si anshax xumo ah ayay markaa ardaydu isku hor tubeen gaadhiga wasiirka. Wax saxaafad ah oo wax duubay intaan hubo anaa jooga, oo markaa ka socda Hargeysa TV, oo markaa ahaa TV-ga mucaaridka wararkoodda inta badan sii daaya.
Markii aan xaruntii tegay wax aan sii daayay war iyo barnaamij aanay ku jirin wixii caruurtii wasiirka ku tidhi iyo sawiradii xiligaa ay wasiirka ku buuqeen ardaydu.
Markii warku baxay ayaa la is waydiiyay meeday intii ardaydu wasiirka la hadashay?
Waxaan ku idhi carruuraha iyo wasiirku isma gaadhaan, wasiirka ayaa wasaarada xukuma go’aamadana isagaa leh, ee caruuta ha inaga barina mucaaradnimo iyo buuq.
Fiiro gaar ah, maanta caruurta warbaahintu yaanay hor cararin ASC.
W/Q: Saxafi Idiris Muxumed Xasan
Hargeisa/ Somaliland.