Madaxweyne Biixi oo Aqbalay Arrin Ay Soo Jeediyeen Madaxda Dhaqanka

0
2101

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan aqbaleen qodobbo ay soo saareen Golaha Dhaqanka ee Beelaha Bariga Burco oo isu-xilqaamay Dhexdhexaadinta khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray wareegto uu ku socodsiiyey Shir-guddoonka Labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, kuna ogeysiiyey Guddiga Doorashooyinka, ayaa waxaa uu sheegay inay soo jeedinta Odayaasha u tixgeliyeen wada-tashiga iyo xaaladda guud ee dalka.

Waxaanu madaxweyne Muuse Biixi faray Goleyaasha Sharci-dejinta inay soo jeedinta Odayaasha ay waafajiyaan xeerarka Doorashooyinka Dalka.

โ€œUjeeddo: Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka

Mudaneyaal,

Waxaannu idinla socodsiinaynaa in xukuumaddu aqbashay soo-jeedintii Odayaasha Dhaqanka ee Dhex-dhexaadinta isu xil-qaamay, anaga oo tix-gelinnay wada-tashiga guud iyo xaaladaha guud ee dalka.

Sidaa darteed, si doorashooyinku inoogu hir-galaan waxaannu ka codsanaynaa Golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Dalka.โ€ Sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtada.

Odayaasha Dhaqanka ee Beesha bariga Burco oo warbaahinta la hadlay,ย ayaa sheegay inuu madaxweynuhu ka aqbalay qodobbada ay soo jeediyeen, waxaanay u Mahad-celiyeen madaxweynaha iyo madaxda axsaabta mucaaradka oo si weyn u soo dhaweeyey goโ€™aamada ay Odayaashu soo saareen.

Ergada, ayaa soo jeediyey in la mideeyo doorashooyinka, isla markaana doorashada Ururrada Siyaasadda oo u muddaysnayd November 2023-ka iyo ta madaxtooyada oo u muddaysnayd November 2024, hal Mar la wada qabto 13 November 2024.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here