Cod sir ah oo laga helay telefoonka Xildhibaan Maxamed Abiib

0
5627

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaan Maxamed Abiib oo maanta dowladda Somaliland xabsiga u taxaabtay, ayaa mobile-kiisa laga helay codad sir ah oo uu ku diyaarinayay inqilaab.

Muuqaal ay shabakada HargeisaPress ku baahisey boggeeda Facebook-ga, ayaa muujinaya Xildhibaan Maxamed Abiib oo diyaarinaya in inqilaab lagu sameeyo doorashada.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa ku baaqayay in doorashada laga boobo xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, isla-markaana loo boobo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Muuqaalka sirta ah, ayaa muujinaya Xildhibaan Maxamed Abiib oo ku talinaya in xisbiga Waddani la heshiiyo masuuliyiinta jooga goobaha doorashada, si uu ugu guulaysto doorashada.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa ku talinaya in xisbiga Kulmiye codadka badan ee uu ka helo mid ka mida goobaha doorashada, la siiyo xisbiga Waddani, sida uu muujinayo muuqaalka sirta ah ee ay baahisay shabakada HargeisaPress.

Linkigan hoose guji si aad u daawato muuqaalka

https://m.facebook.com/story.php

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here