Ciqaabaha Ay Mutaysan Karaan Cidda Lagu Helo Dambiyo Musuq iyo Faahfaahinta Xeerka Loo Cuskanayo

0
1316

Wax ka ogoow Xeerka Ka hortagga ku Takrifalka Hantida Qaranka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Xeer No. 38/007 + sida uu noqonayo masiirka masuuliyiinta lagu helo xatooyo xoolo ummaddeed

Hargeysa (Hargeisa Press.com): Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyey gacanta ku hayey baadhitaanno lagu sameeyey qaar ka mid ah xarumaha hay’adaha dowladda, iyagoo eedaymo musuqmaasuq ku soo oogay xubno ka mid ah masuuliyiinta xarumahaas ay baadheen, isla markaana dacwadooda u gudbiyey Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Axmed Aadan, ayaa maalintii Axadda shaaciyey in xafiiskooda loo soo gudbiyey eedaymo musuqmaasuq oo ka dhan ah Masuuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Gaashaandhigga Somaliland, isagoo caddeeyey in Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku dacwaddaas eedaynta ah uu u soo gudbiyey xafiiska Xeer-ilaalinta, waxaannu iftiimiyey inay dacwaddaas loo cuskan doono Xeerka Ka-hortagga Ku-tagri-falka Hantida Qaranka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Xeer Lr. 38/007.

Hadda, waxa uu wargeyska Jamhuuriya halkan ugu soo gudbinayaa akhristayaasha iyo bulshada reer Somaliland faahfaahinta qodobbada kala duwan ee uu xambaarsan yahay xeerkan loo cuskanayo ciqaabta ka dhalan karta musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida qaranka.

Xeerka Ka hortagga ku Takrifalka Hantida Qaranka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Xeer No. 38/007 oo uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin digreeto Madaxweyne ku dhaqan-geliyey taariikhdu markii ay ahayd 31 December 2007-kii, kadib markii ay Golaha Wakiilladu ansixiyeen, waxa uu ka kooban yahay 12 qodob oo si faahfaahsan u waajibinaya ciqaabaha kala duwan ee ay mutaysan karaan  madaxda sare iyo saraakiisha dowladda ee ku kaca falal la xidhiidha musuqmaasuq, eex, xatooyo, laaluush iyo been-abuur, iyadoo ujeedada xeerkani tahay sidii loola dagaalami lahaa musuqmaasuqa, isla markaana looga hortegi lahaa in wax tagri-fal ah lagu sameeyo hantida qaranka Somaliland.

Caddadkan wargeyska Jamhuuriya ee maanta waxa aannu idiinku soo gudbin doonaa qodobbada ugu horeeya Xeerka Ka hortagga ku Takrifalka Hantida Qaranka iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee Xeer No. 38/007, waxayna u dhigan yihiin sidan;

Qodobka 1aad

Macnaha Erey-bixinta:-Erayada ama weedhaha hoos ku qoran haddii aan si kale loo fasiran waxa xeerkan gudihiisa loo fasiranayaa sida soo socota:-

Xatooyo, Lunsasho: Waxa loola jeedaa Isticmaalka Hanti aanad lahayn oo lagugu aaminay ama aad masuul ka tahay in aad u  isticmaasho si aan sharciga waafaqsanayn.

Laaluush: Waa bixin iyo qaadasho hanti, taas oo suurtogelinaysa si  loo fuliyo hawlo aan sharciga waafaqsanayn.

Ku Takrifal: Waxa looga jeedaa isticmaalka iyo meelaysiga aan sharciga waafaqsaneyn ee hantida qaranka iyo tan gaarka ah.

Musuqmaasuq: Waa hab ku salaysan farsamo iyo khiyaamo oo lagu hanto adduunyo ama derajo aanad u qalmin.  Musuqmaasuq nuxurkiisu waa xatooyo, laaluush iyo ku-takrifal cilmiyeysan.

Hanti Guurta ah (mobile assets):  Waa shay ama qalab qiimo leh oo meesha aad doontid la tegi kartid ama u qaadi kartid, sida baabuurta, badeecadaha, macdanta, lacagta…………..iwm.

Hanti ma-guurto ah (fixed assets): Waa maal ama qalab qiimo leh oo meel ku sugan oo aan qaadmi karin, sida. Dhul, Warshad, Daar,  Beer……iwm.

Madaxda Sare ee Dowladda:- Waxaa loola jeedaa, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, Xeer-ilaaliyaha Guud, Hanti-dhawraha Guud, Maareeyayaasha Hay’adaha Madaxabannaan, Agaasimayaasha Guud, iyo saddexda Taliye Ciidan  (Qaranka, Booliska iyo Asluubta).

Sarkaalka Guud (Public Officer): Waxa loo la jeedaa qof kasta oo masuuliyad shaqo (Public Officer) qaran haya darajo kasta ha lahaadee.

Documents Rasmi ah: Waxa loola jeedaa qoraalada uu sameeyo ama uu sugo sarkaalka guud ama cid kale oo loo igmaday.

Dheef: Waxa loola jeedaa manfac cid kasta faa’iido iyo waxtar u leh.

Eex: Waxa loola jeedaa ficil ay caddaalad-darro ku jirto oo aan dhexdhexaad ahayn oo dhinac u xaglinaya.

Qodobka 1-aad

Xatooyo ku Takrifal ama Lunsi Hanti Qaran

  1. Masuulka guud ama qof loo xilsaaray hawl guud oo sabab xafiiska uu Masuulka ka yahay ama shaqadiisa ah ku haya ama kaga masuul ah lacag ama hanti guurto ah ama ma- guurto ah oo maamulka guud uu leeyahay oo ku takrifala ama leexiya, si uu isagu dantiisa uga faa’iideysto ama uga faa’iideeyo qof kale ama in ka badanba isaga oo aan awood sharci u lahayn waxa la marinayaa ciqaabaha soo socda:-

(b)-Waxa lagu ciqaabayaa xadhig u dhexeeya 3 (Saddex) sanno ilaa 10 (Toban)

sanno.

(t)- Ganaax dhan Somaliland shillin ah 1,000,000/= (hal milyan).

(j)- Lacagtii uu lunsaday oo uu soo celiyo.

  1. Haddii hantida la lunsaday ama lagu takrifaley ay dhan tahay Somaliland shillin

2,000,000/= ilaa Somaliland shillin ah 50,000,000/= (Laba milyan ilaa Konton Milyan oo Somaliland shillin ah) waxa lagu ciqaabayaa xadhig u dhexeeya 6 sanno ilaa 10 sanno.

  1. Haddii hantida la lunsaday ama lagu takrifaley ay dhan tahay Somaliland shillin

50,000,000/= (Konton Milyan) iyo wixii ka badan waxa lagu xukumaya 10 ilaa 20 sanno.

  1. Haddii la soo celin waayo hantidii la lunsaday waxa lagu beddelayaa xadhig u dhigma inta Hantida la lunsaday ay leeg tahay.

Qodobka 3aad

Waayidda Xuquuqda Shaqaalanimo

  1. Ciqaabta ku xusan Qod. 2aad faqradihiisa 1aad, 2aad ilaa 3aad, waxa ka dhalanaya in qof kasta oo ay Maxkamad horteeda kaga cadaato inuu dambiyadaas galay aannu xil dambe oo dawladeed qabanin inta cimrigiisa ka hadhay.
  2. Qof kasta oo uu ku dhaco xukun Maxkamadeed oo kama dambeys ah oo ka dhashay ciqaabaha ku xusan Qodobka 2aad, waxa uu waayayaa xuquuqdiisii shaqaalanimo muddadii uu shaqada hayey.
  3. Sarkaalka guud ama qof kasta oo shaqaale ah haddii xadhigga lagu xukumay uu ka yar yahay 3 (saddex) sanno waxa shaqada dowladnimo laga laalayaa muddo aan ka badneyn 2 (laba) sanno.

Qodobka 4aad

Qoraalada Been-abuurka ah

  1. Sarkaalka guud ama qof kasta oo inta shaqada loo igmaday ku jiro sameeya qoraal been- abuur ah ama qayb ka mid ah been-abuura ama been ka sheega qoraal sax ah, isagoo ujeedooyin gaar ah ka leh waxa lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya 1 (Hal) sanno ilaa 8 (Sideed) sanno.
  2. Qof kasta oo documenti lacag lagu qabto ama lagu bixiyo oo dowladdu leedahay si qaldan u isticmaala, kuna lunsada hanti qaran waxa lagu xukumayaa ciqaabaha ku xusan Qodobka 2-aad, faqraddihiisa 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, iyadoo laga qiyaas qaadanayo culayska hantida uu lunsaday hadba inta ay le’eg tahay.
  3. Sarkaalka guud ee u xilsaaran hawl qaran ee u fududeeya ama gacan ku siiya ama si uun u suurogeliya mid ka mid ah xaaladaha ku xusan qodobka 2-aad, waxa lagu xukumaya ciqaabaha ku xusan isla Qodobka 2aad ee xeerkan.

Qodobka 5-aad

Ku Takrifal Awood Xafiis

Sarkaalka guud ama u xilsaarane hawl guud oo qaranku leeyahay ee leexiya ama carqaladeeya, isaga oo ka faa’iideysanaya awooda xafiiska uu masuulka ka yahay si uu dheef uga helo ama cid kale uga faa’iideeyo oo aan si toos ah u hoos iman maamulkiisa waxa lagu ciqaabaya xadhig dhan 3 (Saddex) sanno ilaa 8 (Sideed) sanno.

Qodobka 6aad

Dammiin

  1. Sarkaalka guud ama qof kasta oo loo soo xidho lunsi ama ku takrifal hanti qaran ha noqoto lacag caddaan ah (cash), jeegag, hanti guurto ah ama ma-guurto ah derejo kasta ha lahaadee, waxa ka reeban:-

(b)- In la dammiinto haba yaraatee.

(t)- Inuu xadhigga iibsado ama cid kale u iibiso.

(j)- Inuu ka faa’iideysto cafis Madaxweyne.

Qodobka 7aad

Laaluush

– Laaluush qaataha iyo Laaluush bixiyuhu waa isku dambi sharciga hortiisa.

  1. Masuul kasta oo qaata laaluush ama aqbala ballanqaad nooc kasta ha ahaatee, ama u suurtogeliya qof kale inuu ku helo hanti ama dheef aannu xaq u lahayn si uu u fuliyo hawlo xafiiskiisa ah waxa lagu ciqaabayaa:-

(b)- Xadhig aan ka badneyn 3 sanno.

(t)- Ganaax dhan Somaliland shillin oo ah 5,000,000/= ilaa 10,000,000/= (shan milyan ilaa toban milyan oo Somaliland shillin ah)

  1. Qof kasta derejo kasta ha lahaadee oo uu ku caddaado dambiga ku xusan faqradda 1aad ee isla qodobkan waxa kale oo lagu ciqaabayaa:-

(b)- Shaqadii uu qaranka u hayey oo laga eryo.

(t)- Xuquuqdii shaqaalanimo oo uu waayo.

(j)- Haddii uu bixin waayo lacagta ganaaxa ah waxa loogu beddelayaa  xadhig u dhigma lacagta la ganaaxay.

  1. Qof kasta oo lagu helo bixin laaluush qaab kasta ha u bixiyee waxa la marinayaa ciqaabaha ku xusan faqradaha 1aad iyo 2aad ee isla qodobkan.

La soco qaybta dambe…

Xigasho: Wargeyska Jamhuuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here