Madaxweynaha la doortay ee Somaliland oo la kulmay diblomaasiyiinta safaaradda Itoobiya

0
2202

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa waxaa uu maanta qaabiley diblomaasiyiin iyo saraakiil ka socda dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland ee la doortay, ayaa masuuliyiinta uu qaabiley waxaa ka mid ahaa Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Somaliland Ambassador Teshoma Shunde Hamito, safiir ku xigeenkiisa.

Sidoo kale, Safiirka iyo ku xigeenkiisa, waxaa wehelinayay saraakiil ciidan oo ka tirsan safarada Itoobiya.

Safiirka, ku xigeenka iyo saraakiisha ciidan ee safaaradda Itoobiya ka socday, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Safiirka, ayaa madaxweynaha cusub soo gaadhsiiyey dhanbaal boggaadin ah oo uu ka sidey dowladiisa Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ee la doortey ee Somaliland iyo Safiirka, ayaa ka wadahadlay xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeya Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, ayaa xilligii uu ku jiray ololihiisa doorashada, wuxuu sheegay in xisbigiisa uu dib u eegis ku sameyn doono heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, Inkastoo madaxweynaha la doortay aanu waligii diidin heshiika MOU, haddana marka uu ka hadlayo wuxuu adeegsadaa erayo diblomaasiyadeed.

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, ayaa waxaa la filayaa inuu xafiiska la wareego bartamaha bisha December.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here