Ciidanka Dab-demiska Oo Shir La Yeeshay Guddiga Suuqa Gobanimo

0
259

Hargaysa (HP): Taliska ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa kulan la yeeshay guddida suuqa Bacadlaha Gobanimo ee caasimadda Hargaysa.

Kulankan lagaga arrinsanayay badbaadada Suuqa Gobanimo, oo ka qabsoomay xafiiska taliyaha ciidanka dabdamiska Somaliland ayay ka soo qayb galeen guddida Bacadlaha Gobanimo, dawlada Hoose Hargeysa iyo Wasaarada arrimaha Gudaha JSL.

Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa sheegay in ciidamada Dabdemisku Qiimeyn ku sameeyeen suuqaasi.

Waxaanu xusay in aanu wax waddooyina lahayn suuqaasi, isla markaasna aanay jirin meel ay ka soo galaan ciidanka dabdamisku, waxaanu intaas ku daray in markasta ay Baarkin ka dhigtaan Suuqa hortiisa.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay sida ay muhiimka u tahay in ka hortag la sameeyo intaanay dhicin masiibadu.

Sidoo kale xoghaya dawlada hoose Hargeysa Siciid Nuur Jaamac, ayaa sheegay in suuqa Gobanimo yahay Il dhaqaale oo bulshada caasimadu ku tiirsan tahay.

Waxaanu soo jeediyay in meel looga soowada jeesto sidii jidad gaadiidka ciidanka dabdamisku u soo maraan loogu helilahaa.

Geesta kale guddida bacadlaha suuqa Gobanimo ayaa sheegay in bannaynta waddooyinka Suuqa Gobanimo ay markasta dani ugu jirto isla markaana ay soo dhaweynayaan qorshe kasta oo waddooyin loogu raadinayo.

Waxaanay hoosta ka xariiqeen in helitaanka jidad suuqan loo soo mara ay qayb weyn ka qaadanayso badbaadiisa.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Maxamed Xuseen Cabdillaahi, ayaa sheegay in helitaanka waddooyinka suuqa Gobanimo mihiim tahay.

Gaba-gabadii Qodobadan ayaa laga soo saaray kulankii lagaga arrinsanayay sidii suuqa Gobanimo loogu helilahaa waddooyin.

1. In suuqa Gobanimo la furo dhamaan waddooyinka gala si gaadiidku dabdemisku u soo mari karaan.

2. In dadka suuqaas ku ganacsadaa ay helaan tababarka aasaasiga ah ee dabdemiska.

3. In meherad kasta la dhigo haamaha dabdemiska si dabku intuu yaryahay lagu sii damin karo.

4. In xoojiyo nidaamka gaadhka iyo amaanka suuqa.

5. In wax laga qabto xadhkaha korontada ee sida habqanka ugu dul daadsan suuqa gobanimo.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here