Ciidanka Dab-demiska Oo Demiyay Dab Ka Kacay Suuqa Magaaladda Burco

0
240

Burco (HP): Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa xalay demiyay dab ka kacay badhtamaha suuqa weyn ee Burco.

Dabkaasi oo la sheegay inuu bilaabmay markay saacadu ku beegnayd 3:00 habeen-nimo, dabkaasi oo ahaa Shoodh Laydh.

Ciidanka Dab-demiska ayaa isla markiiba goobtaa gaadhay , waxaana ciidamadu iyagoo adeegsanaya qalabka dab-deminta ay dabkaa ku xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay.

Dhanka kale ciidamada ayaa dabkaasi ka xakameeyay Meherado waa weyn oo goobtaa ku yaalay iyo guud ahaan suuqa intiisa kale.


Ma jirin dhaawac iyo dhimasho dabkaasi sababay, marka laga reebo waxyeelo soo gaadhay meherada uu dabku ka kacay.

Dhinaca kale waxaa dhankooda iyaguna goob joog ka ahaa goobta dabku ka kacay Ciidanka Booliska magaalada Burco oo si fiican ula shaqeeyay ciidamada Dabdemiska.

Ugu dambayn ciidamada Dab-demisku waxay halkan fariin uga dirayaan shirkadaha Korontada in ay ka taxadaraan halista xadhkaha laydhka iyo guud ahaan korontada, Isla markaana dibuhabayn ku sameeyaan xadhkaha keeni kara khatar, kuwaasi oo dhex mara dhirta ama u dhaw goobo ganacsi.

Allaa Mahad leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here