Ciidanka Booliska Oo Xabsiga u Taxaabay Guddoomiye Xarun Xuquul Insaan Oo Hargeysa Ku Taalla

0
867

Hargeysa, (HargeisaPress) — Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Xarunta Xuquul Insaanka Human Rigth Center Guuleed Axmed Jaamac.

Sida wararku sheegayaan Guuleed, ayaa saaka lagu xidhay Xarunta Maxkamadda Gobolka Magaalada Hargeysa, waxana uu Khadka telefoonka kula Xidhiidhay Idaacadda VOA-da oo uu u sheegay Halka uu ku xidhan yahay,

“Waxan ku xidhan nahay Qol ku yaalla Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo dadka lagu xidho, kamana aan soo horjeedsan dadkii Maalintii dhaweyd la qisaasaye waxan idhi hallaga fiirsado sidii dadkaasi la laayey ay u geysteen dilalkii ay ku eedaysnaayeen.” Ayuu yidhi Guleed oo sheegay inuu Maxbuus yahay.

Guuleed oo Guddoomiye ka ah Xarunta Xuquuqal insaanka Human Rigth Center, ayaa dhawaan soo saaray Qoraal uu kaga Hadlay Qisaastii lagu fuliyey xubno lix ahaa oo maxkamadi ku heshay dilal ay geysteen, waxana uu haatan tilmaamayaa in arrintaas lagu xidhay.

Guddoomiye Guuleed, ayaa Haatan la sheegayaa inuu Xarunta Dambi-baadhista CID-da Hargeysa ku xidhan yahay, waxana aan wax war ah oo xadhigiisa ku saabsan aan soo saarin Ciidamada Ammaanka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here