Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliska guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa waxaa uu war ka soo saaray dagaal maanta deegaanka Dhuur-madare ee gobolka Sanaag ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Kooxaha Huwanta ee iska soo uruursaday bariga gobolka Sool.
Taliska ciidamada Qaranka Somaliland oo war-saxaafadeed soo saaray, ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka ay guul weyn ka gaadheen Ciidamada Qaranka Somaliland.
Sidoo kale, Taliska, ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaas ay ku jabeen Kooxihii Huwanta ee isa soo uruursaday ee dagaalka soo qaaday.
Taliska ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa waxaa uu intaasi ku daray in Kooxihii Huwanta uu soo gaadhay khasaare weyn islamarkaana laga qabtay gaadiid ciidan iyo maxaabiis.
Hoos ka akhriso bayaanka taliska
“War saxaafadeed:-
Maanta oo taariikhdu tahay 17/12/2024 waxa uu dagaal ku dhax maray deegaanka Dhuur-madare ee gobolka Sanaag Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Nabadiid iska soo uruursaday bariga Gobolka Sool. Dagaalkan waxa guul wayn ka gaadhay Ciidanka Qaranka JSL iyadoo ay ku jabeen Nabadiidkii dagaalka soo qaaday, waxaana soo gaadhay khasaare wayn islamarkaana laga qabtay gaadiid ciidan iyo maxaabiis.
Faahfaahinta dagaalkaas gadaal baanu idinka la soo wadaagi doonaa.”