Ciidamada Itoobiya iyo Jabhada Oromada oo Ku Dagaalamaya Gobolka Oromia

0
932

Oromia (Hargeisa Press) – Dagaal xoogan, ayaa weli ka socda gobolka ugu dadka badan Itoobiya ee Oromiya, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo jabhadda Oromada ee Liberation Army (OLA) .

Waxaana sii kordhinaysa walaaca xoogan ee laga qabo amni-darrada ka sii daraysa ee koonfurta dalka Itoobiya.

Maamulka Oromiya, ayaa sheegay in ay qaadeen weerar muddo bil ah socday oo ka dhan ah OLA, balse jabhadda ayaa sheegtay in ay guulo ka soo hoysay dagaalada.

Afhayeenka jabhada Oramiya Odaa Tarbii, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in ciidamada amaanka ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dariska la ah la geeyay Oromia si ay gacan uga geystaan dagaalka.

Balse Abfikadr Rashid oo ah mas’uul sare oo ka tirsan maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa ku gacan saydhay eedeynta uga timid afhayeenka jabhada Oramada, balse waxaa uu sheegay in ciidamada gobolkiisa ay geli karaan Oromiya haddii lagu casuumo.

Geesta kale, Afhayeenka jabhada Oramiya, ayaa bartiisa twitterka ku sheegay in dagaal ay la galeen ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ay ka qabteen dhowr qori oo AK-74 ah iyo hub kale.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaallada ka socda koonfurta ay sii kordhiyaan qalalaasaha siyaasadeed iyo kuwa bini’aadantinimo ee dalka Itoobiya uu wajahayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here