Ciidamada Booliska Somaliland oo Toogtay Libaax Xalay Ka Baxsaday Beer Xayawaannada Lagu Xannaaneeyo

0
2022

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa toogtay Libaax xalay ka baxsaday beer xayawaannada lagu xannaaneeyo oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Xilli uu da’ayay roob, ayaa Libaaxayadu ka baxsadeen beerta, ka dib waxaa la soo saaray digniinaha loo jeedinayay dadweynaha magaalada Hargeysa oo loogu sheegayay in ay taxadaraan.

Libaaxyada baxasaday oo markii hore ahaa laba, waxaa la qabtay mid ka mid ah ka dib markii shaqaalaha beerta ay ku guuleysteen in ay xakameeyaan.

Libaaxa baxsaday ayaa qoorta ka dhaawacay gabadh, Dhaawaca haweenayda ayaa loola cararay Cisbitaal.

Dadweynaha la jaarka ah beerta libaaxyada lagu xanaaneeyo, ayaa ku baaqay in laga raro libaaaxyadaas oo cabsi joogto ah ku haya.

Baxsashada libaaxani ayaa baqdin ku keentay bulshada reer Hargeysa, gaar ahaan dadka degan xaafadaha dhaca bariga magaaladda.

Inta badan dadka degan xaafadahaasi ayaa guryahooda ku xarooday, sababo ku aaddan xaaladdan soo korordhay ee baxsadka Libaaxaasi.

Maaha markii ugu horeysay ee libaax ka baxsado Beerta Siyaasi Warancadde ku xanaaneeyo Libaaxyada iyadoona uu hore dad ku waxyeeleeyay Magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here