Ceerigaabo: Kulan Dhexmaray Taliyaha Ciidanka Dab-demiska iyo Maamulka Gobolka Sanaag

0
589

Ceerigaabo (HP): Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland oo safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag ayaa maanta kulamo la yeeshay maamulka gobolka Sanaag iyo ka degmadda Ceerigaabo.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo maanta uu baahiyay xafiiska warbaahinta ciidanka Dab-demiska Somaliland oo warbaahinta loogu tallo galay.

Kulankaasi ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir looga wadashaqayn lahaa in magaaladda Ceerigaabo yeelato xarun dab-demis, isla markaana loo yag-leeli lahaa dab-demis tayaysan.

Si ciidankaasi ay u noqdaan kuwo ka hawl-geli kara gurmad kasta oo looga baahdo iyo wixii dabka la xidhiidha ee yimaada.

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tim-baro) iyo maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa si weyn u soo dhaweeyay una bogaadiyay waxqabadka ciidanka Dab-demiska.

Waxaanay tilmaameen baahida ay Ceerigaabo u qabto ciidan Dab-demis, iyagoo xusay in marar badan oo uu dab ka dhacay magaladaasi ay adkaatay maarayntiisu.

Sidoo kale masuuliyiintaasi ayaa ballan qaaday wax kasta oo looga baahdo inay diyaar u yihiin talo, tusaale iyo sidii loo samayan lahaa ciidan Dab-demis oo dhankastaba ka dhisan.

Geesta kale taliyaha ciidanka Dab-demiska Axmed Sawaaxili, ayaa isna dhankiisa uga mahad naqay masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo sida ay diyaarka ugu yihiin in Ceerigaabo loo sameeyo ciidan Dab-demis.

Waxaanu taliyuhu warbixin ka siiyay masuuliyiinta aasaaskii Dab-demiska iyo halka uu maanta marayo iyo waxyaabaha laga doonayo in laga wada shaqeeyo.

Axmed Sawaaxili, waxa kaloo uu tilmaamay in ay ka go’antahay in Ceerigaabo loo sameeyo ciidan dab-demis oo cudud ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan.

Gebagebadii kulankaasi waxaa la isla qaatay in si wada jira looga shaqeeyo diyaarinta xubnaha loo tababarayo inay noqdaan shaqaalaha ka mid noqon doona ciidanka Dab-demiska Ceerigaabo.

Si intaa kadib-na loo guda-galo hawlaha kale ee muhiimka ah ee ku saabsan aasaaska ciidanka magaaladda Ceerigaabo.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here