Carwadda Sacadadiin Oo Dadweynaha reer Somaliland U Diraysa Bushaaro Cusub iyo Qiima Dhimis Balaadhan + SAWIRRO

0
1696

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maamulaha Shirkadda SACADADIIN Cabdiraxmaan Axmed Ciise ayaa caawa si rasmiya xadhiga uga jaray Carawadii dharka Ciida ee Sacadadiin, isla markaana waxa uu ugu bushaareeyeyd dadweynaha inay qiimo dhimis %30 (Boqolkiiba soddon) ay u sameeyeen.

Munaasibadii loo sameeyey Xadhig ka jarida Carwada Sacadadiin ayaa waxa soo qeybgalay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase),Agaasimayaal,Xildhibaano, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro Dadweyne aad u tira baddan iyo marti sharaf kale.

7777

Maamulaha Shirkadda SACADADIIN Cabdiraxmaan Axmed Ciise ayaa waxa uu yidhi “Carwadan waxaanu ugu tallogalnay caawa marka la furo inaan dib loo xidhaynin, bushaaradaanu dadka u haynaa waxa-weeyaan taas, bushaaro labaad ee aanu dadka u hayno ayaa jirta in qofkasta naga iibsada in 30% (Boqolkiiba Sodon) laga qiimo dhimis aanu u sameynayno, qofkii shay $10 tobban dollar ah iibsan jirey caawa waxa laga siinayaa $7 (Todoba dollar), ee ay dadweynaha u keeneen Ciidan ayaa waxa uu yidhi “Carwada Sacadadiin ee Ciidu waxay dadweynaha ugu bushaareynaysaa inay u hayso alaabo cusub oo isugu jiraa Caruur ilaa Ciroole,kuwaas oo kala ah Dharkii Caruurta, Dharkii dadka dhexe, Dhalinyarada iyo Dadka dharka waa-weyn inta-ba way isugu jiraan, waxaaan doorkan ku soo darnay Sizes baddan oo markii hore ka maqnaan jirey Isaga oo hadalkiisa sii watana “Waxa kale oo aanu keenay Waxyaabaha ay Ciyaalku ku ciyaaran ee la yidhaaahdo Toys-ka, oo iyagana qiimo-dhimis loo sameynayo marka uu qofku dharka iibsado. Ciidani way nooga farxad baddan tahay ciidihii hore Fariinta aanu bulshada reer Somaliland u gudbinaynaa waxa weeyaan soo dhawaada, oo Ciidani way nooga farxad baddan tahay ciidihii hore ee aad nala qaadateen,taas oo aanu idiin keenay alaabo baddan oo ka duwan kuwii hore oo Istooga aanu diin keenayna uu baddan yahay,Ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

kkkkk(3)

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa jira qeybtii Sacadadiin Furniture oo aad u baaxad-weyn oo iyana qiimo dhimis aanu dadka u sameynay ilaa inta Ramadaanta ka hadhay,Markaa waxaan jecel-nahay intaa qoysaska Cusub ee soo kordhaya iyo qoysaskii hore u jirey inay fursadaha aanu imika sameynayno ka faaiideystaan oo aanay seegin intaa Ramadaanta ka hadahay Caydaruus Cabdisamad oo ka mid ahaa dadkii Macaamiisha ah ee wax ka iibsada Sacadadiin ayaa oo caawa Carwada Ciida joogay ayaa waxa uu yidhi

sac 33

“Caawa waxaan ka soo qeybgalay Carwada Ciida ee SACADADIIN oo aan uga baranay dhar tayo leh, runtii waanu kala kulanay dhar naqanciya waanu ku mahadsan yahay dedaalka uu dadka ugu horseedayo dharka wanaagsan, waanan ka iibsanay waanu ku mahadan yahay ILAAHAY ha u barakeeyo ayaan leeyahay Carwadan Ciida ee Sacadadiin waa Carwo Cajiiba oo wanaagsan waxa la keenay dhar qurux baddan oo na qanciyay,dadka ka shaqeynayaana way na raali-geliyeen waanay ku mahadsan yihiin inay Sacaadadiin dhar-tayo leh oo wanaagsan ay noo keenaan Aamina- Jirde Maaha markii kowaad ee Carwada Sacadadiin ay dadweynaha reer Somaliland u furto, balse sanadkasta Ciida ayay u sameysa, isla markaana waxay Ciidani Ciidihii hore kaga duwan yahay iyada oo aan dib loo xidhayn Carwada oo ay furnaanayso.

sss(11)

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here