Camuud Foumdation Oo Qaliinno Bilaasha Ka Fuliyay Burco

0
359

Burco (HP): Haayadda Camuud Foundation oo kaashanaysa cusbitaalka Xaawa Cabdi, ayaa maanta qaliinno bilaasha ka fuliyay magaaladda Birco.

Qaliinadaasi oo bilaash ah waxaa ka faa’iidaysanaya dadka danta yarta ah, waxaana qaliimadaasi ka mida qaliinka guud iyo qaliinka haweenka.

Axmed Cabdi Ismaaciil, xidhiidhiyaha geeska Afrika ee haayadda Camuud Foundation iyo madaxa cusbitaalka Xaawa Cabdi, ee magaalda Burco Dr. Deeqa Aadan Maxamed, ayaa si wada jir ah uga warbixiyay qaliimada ay ka bilaabeen cusbitaalka Xaawa Cabdi ee magaalada Burco.

Axmed Cabdi Ismaaciil, xidhiidhiyaha Geeska Afrika ee haayadda Camuud Foundation waxa uu sheegay in Xaawa Cabdi ay ahayd qof ku suntan u gar-gaarista dadka dan yarta.

Ka Camuud ahaan iyaguna sidoo kale ay kaalmo u fidiyaan bulshada dan yarta ah, sida caafimaadka, mid nololeed iyo wixii kale ee ay ka taageeri karaan.

Waxaanu intaas raaciyay in magaalada Burco ay u yimaadeen daahfurka qaliino bilaash ay oo muddo bil ah ka socon doona magaaladaasi, isla markaana ay soo abaabuleen cusbitaalka Xaawa Cabdi oo ay ku hoggaaminayso Dr. Deeqa, kaashanaysana dhakhaatiir Ajaanibka ah.

Axmed Cabdi Ismaaciil, waxa uu intaas ku daray in dhakhaatiirtan aan dalka u dhallan loogu talo galay in ay qaliino u sameeyaan bulshada gobolka Togdheer iyo degaanada kale ee Somaliland-ba.

Waxaanu u mahad naq warbaahinta u mariyay cidkasta oo Camuud Foundation ka taageertay kana damqatay dadka masaakiinta ah wixii loo qabanlahaa.

Isagoona xusay in ay iyagu kaliya ay ka bixinayeen kharashka balse cisbitaalku uu adeeg bixinta caafimaad u fidinayay.


Geesta kale madaxa cisbitaalka Xaawa Cabdi ee magaalda Burco Dr. Deeqa Aadan Maxamed, waxay sheegtay in dhakhaatiirtan qaliinka sameynaysay ay ka yimaadeen dalka Ruushka iyo dalal kale oo adduunka ah.

Dr. Deeqa, waxa ay xustay in ay waddan qaliino ay ka fulinayaan gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer.
Iyadoona intaas ku dartay in qaliinadu bilaash yihiin isla markaana bukaano badani ujiifaan.
Dhinaca kale Dr. Deeqa, waxay ka codsatay in qaliinka bila lacagta ah ay ka faa’iidaystaan.

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY