Cali Xaamud Jibriil Oo Kasbaday Xildhibaano Badan Loolanka Guddoomiyaha G. Wakiiladda

0
1367

Hargaysa (HP): Waxaa si weyn looga dareemayaa caasimadda Hargaysa dhaq-dhaqaaqa loolanka loogu jiro hanashadda kursiga guddoomiyaha golaha Wakiiladda JSL.

Kadib markii uu shalay si rasmiya u shaaciyay inuu xilka guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland iska casilay C/rasaaq Khaliif Axmed, oo muddo sanad badhkii ah ku sugnaa magaaladda Laascaanood.

Xubnaha ugu cad cad ee ilaa hadda la saadaalinayo in ay ugu dhaw yihiin waxaa ka mida Cali Xaamud Jibriil, oo ah guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda.

Cali Xaamud Jibriil, oo ka mida xubnaha u ordaya qabashadda kursiga Guddoomiyaha golaha Wakiiladda ayaa haysta xubno gaadhaya 40 xildhibaan, oo isaga ku taabacsan inuu noqdo guddoomiyaha.

Iyadoo na la rejaynayo in caawa ilaa berri uu hanto xubno kale oo gaadhaya ilaa toban, taasoo ka dhigaysa inuu haysto tiro gaadhaysa ilaa 54 mudane.

Waxaanu Cali Xaamud Jibriik, olole ka dhex wada xildhibaanadda mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland si uu ugu qanciyo in ay isaga u codeeyaan.


Warar xog ogaal ah oo aanu helnay ayaa sheegaya inuu balan qaad ka haysto oo ay dooranayaan xildhibaanadda laga soo doorto Berriga Burco.

Halka sidoo kale la filayo inuu saacadaha soo socda kasbado xildhibaanadda laga soo doortay Woqooyiga Hargaysa, iyo Gabiley.

Taasoo ka dhigaysa inuu Cali Xaamud Jibriil, helayo aqlabiyadda xildhibaanadda golaha Wakiiladda, haddii ay u suurto gasho rejadiisa tiradda xubnaha uu hadda haysto.

Cali Xaamud Jibriil, oo haatan ah guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiiladda JSL ayaa muddo dheer ku soo jiray siyaasadda Somaliland, Isagoo na xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumadii Axmed Siilaanyo.

Waxaana Cali Xaamud Jibriil, laga soo doortay gobolka Awdal oo uu ka soo jeeddo, isagoo na ka soo baxay xisviga mucaaradka ah ee UCID.

Waxyaabaha uu ku doonayo Cali Xaamud Jibriil, inuu noqdo guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ayuu u cuskaday in beelaha darafyadu ay xaq u leeyihiin qabashadda kursiga saddexaad ee ugu awood sareeya dalka.

Sidoo kale waxyaabaha uu u cuskaday waxaa ka mid ah in xisbiyadda mucaaradku ay mar kasta loolan u galaan in ay xukuumadda talkada haysa iyo xisbigeedda kula gor-gortamaan.

Inkastoo uu tartan adag oo la xidhiidha kala xod-xodashadda xildhibaanadda ay ku jiraan xubno kale oo qaarkood laga soo doortay gobolka Sool.

Geesta kale is casilaadda C/rasaaq Khaliif, ayaa keentay in ay soo baxdo fursad ay hanashadda kursiga uu baneeyay ay ku raadsadaan xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland ee beelaha darafyadda Somaliland.

Dhinaca kale doorashadda xilka guddoomiyaha golaha Wakiiladda ee uu baneeyay C/rasaaq Khaliif Axmed, ayaa loo balansan yahay in la doorto Sabtida todobaadka soo socda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here